Wasiirka Waxbarashada oo kormeeray Qaar ka mid ah Dugsiyada Magaalada Borama

0
50

Borama (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo sayniska Somaaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane ayaa   kormeer ku tegay dugsiga sare ee Sheekh Cali Jowhar, ee magalada Boorama ujeedada kormeerka wasiirka ayaa ahayd  xog-ogaal u noqoshada habka  wax-dhigista iyo tayada waxbarasho ee dugsiga iyo Daah-furka imtixaan tijaabo ah oo laga qaadayo ardayda sannadkan ee fasalada Afraad.

Sidoo kale wasiirku waxa uu kormeer ku tegay dugsiga hoose dhexe ee   A.A.Good halkaasi, isaga  kula kulmay macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wax ka dhigata, waxaanu ardayda ku boorriyay inay dedaalaan, waxbarashadoodana xoojiyaan.

Geesta  kale wasiirka  ayaa soo kormeeray dugsiga sare ee Al-Aqsa ee magaalada Borama, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyey maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsigaasi wasiirka ayaa ka Daah-furay barnaamij dhirbeeris ah oo lagu cagaarinaayo goobaha waxbarashada ee dalka waxaan isla saaka goobta dugsiga wasiirku ku beeray geedkii ugu horeeyey.

Wasiirka howla shaqo u jooga magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa maalmihii u danbeeyay waday kormeer u ku maray goobaha waxbarashada ee magaalada Borama, waxaanu halkaasi hadalo waano iyo dhiirigelin isugu jira uga jeediyay ardaydii iyo macalimiintii uu la kulmayay.