Wasiiro Ceel-biyood ka Dhagax Dhigey Degmada Sallaxley

0
68

Qore Boqore Axmed Cabdi

Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaradaha biyaha iyo caafimaadka iyo qorshaynta Qaranka,  Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xasan Cali Maxamed Gaafaadhi iyo Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa siwada jira u dhagax dhigey ceel cusub biyood oo laga hirgelinayo degmada Sallaxley.

Munaasibadii dhagax dhiga ceel biyoodkan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka beeraha, maareeyaha hay’ada madaarada, guddoomiye ku xigeenka guddida qandaraasyada, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

Ceel biyoodkan cusub ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo biyo balaadhinta degmada Sallaxley, waxaanu wax weyn ka tari doona adeeg bixinta biyood ee degmada Sallaxley.

Wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland ayaa sheegay in ceelasha biyuhu ka dhibaato badan yihiin dhaamamka, waxaa  uu intaas ku daray in hawdku dhib badan yahay biyaha meelaha kale laga helo, isaga oo hoosta ka xariiqay in qalabka wasaaraddu haysato iyo kuwa gaarka loo leeyahayba aanay dhulka hawdka ah qodi karin, waxa uu intaas raaciyay in wax la qabtay waxna soo socdaan, waxa uu tilmaamay in sharaf iyo karaamo ay u tahay in wixii uu ka qabto degmada Sallaxley ee la xidhiidha horumarinta adeegbixinta biyaha.

Gaba-gabadii madaxdii iyo masuuliyiintii kala duwana ee ka hadlay munaasibada dhagax dhiga Ceel biyoodka ayaa xukuumadda ku ammaanay dadaalka ay markasta ugu jirto sidii ay bulshadu biyo ku filan u helilahayd.