Wasaaradda Diinta JSL oo Samaysay Unug Lagula Dagaalamayo Dhaqan Xumada

0
53

Hargaysa (Dawan) wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa samaysay unug loogu talogalay in lagaula dagaalamo waxyaabaha dhaqan xumada ah ee ka soo hor jeeda diinteena suuban iyo dhaqankeena wanaagsan, kuwaasi oo ka kooban Culimada guddida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo Culimada guddida la dagaalanka mukhaadaraadka ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo weliba sidoo kale ciidanka Booliska dalka.

Unugan ayaa waxa shaaciyay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo bulshadana ogaysiiyay in ay unagani ka shaqayn doonaa dhammaan gobollada iyo Degmooyinka dalka oo dhan, lana dagaalami doonaa cid kasta oo samaynaysa falalka ka soo hor jeeda Diinteena suuban iyo dhqankeena wanaagsan.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Diinta iyob Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa bulshada ugu baaqay in uu qof kastaa dhiniciisa ka shaqeeyo farsita wanaagsa iyo reebista xumaanta, sidoo kalena la shaqeeyo Unugani loogu talogalay ka hortaga iyo la dagaalanka dhaqan xumada iyo falalka la xidhiidh waxaanu yidhi

“waxaan idiin sheegayaa ogaysiis wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Hay’adda aynu u bixinay xumaan reebista iyo wanaag farista iyo Hay’adda la dagaalanka mukhaadaraadka oo hoos tiumaada wasaaradda iyo Ciidankeena Booliska ee kala duwan, dhammaantoodba maadaama ay yihiin inay bulshada u shaqaynayaan oo amniga iyo dhaqanka iyo Diinteena wanaagsan ay ilaalinteeda ka shaqaynayaan, waxa aanu u samaynay hal unug oo wada shaqeeya, oo uu Taliye xukumayo ilaa heer Caasimadda ilaa heer magaalo ilaa heer tuulo, dhamaanteena waxa aynu u nahay Askar la shaqaynaysa.

Waa in qof kastaa wixii munkar ah ee uu arko ee gacantiisa ku suuliyaa haddii uu suulin kari waayana waa inuu intaasi Hay’adood ee ka shaqaynaya la kaashaqadaa”.

Gebo’gabadii wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa bulshada ugu baaqay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan Unugaasi loo xil saaray ka shaqaynta iyo la dagaalanka dhaqan xumar, isla markaasi u soo jeediyay inay la wadaagaan wixii ay arkaan ee dhaqan xumo ah si wax looga qabto.