Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Qaabilay Saraakiisha Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland

0
69

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland iyo dhamaan masuuliyiinta Hay’adda ayaa xafiiskooda ku qaabilay masuuliyiinta xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland, kuwaasi oo dalka ku sugan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, oo ay wehiliyaan guddoomiye ku xigeenka iyo agaasimaha guud ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland oo booqasho ku yimid Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Guddoomiyaha ayaa uga warramay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Hay’adda Shaqaaluhu ay wadday sannadahan dambe iyo gaar ahaan samaynta siyaasadaha iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah maamulka shaqaalaha dawladda.

Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ayaa iyaguna sidoo kale guddoomiyaha warbixin ka siiyay Hawlaha ay ka qabtaan Somaliland iyo taageerada ay siiyaan dawladda iyo Shacabka Somalilandba, waxaanay warbixintooda ku dareen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo xafiiska Somaliland ee dawladda Ingiriiska