Ciidanka Asluubta oo Xabsiga Mandheera ka Hirgeliyay Beer ku filaatay Khudradii Maxaabiista Jeelkaasi

0
41

Hargeysa (Dawan) Xabsiga Mandheera waxa uu ka mid yahay Xabsiyada ugu wa awayn dalka Somaliland, kaasi oo muddo aad u dheer shaqaynayay.

Xabsiga Mandheera ayaa martigaliya Maxaabiis aad u tiro badan sanad kasta, masuuliyiinta Ciidanka Asluubta Somaliland, ayaa Xabsiga ka dhex sameeyay Beer loogu talo-galay in laga beero geed gaabta yar yar ee loo isticmaalo karinta cuntada.

Sidoo kale waxa ay ugu talo-galeen in ay xirfad u noqoto Maxaabiista Jeelka ku jira si ay uga faa’iidaystaan xirafada wax beerta, si ay hadhaw u anfacdo marka ay jeelka ka baxaan.

Beertan ayaa noqotay mid lagaga maarmay dhammaan khudaartii uu Jeelku ka soo iibsan jiray suuqyada khudaarta, waxaana ku filnaatay midhihii ay maxaabiistu gacantooda ku beereen.

Ujeedooyinka beertan Jeelka Mandheera ayaa waxa ka kid ah in la tayeeyo cuntada ay cunayaan Maxaabiista Jeelka ku jira, si looga war hayo caafimaad qabka jidhkooda iyo maskaxdoodaba.