Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye oo ka jawabay hadalo ka soo Yeedhay Xisbiga Waddani

0
42

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobalka Maroodijeex Cabdiraxmaan Maxamed Hadhiye ayaa ka jawaabay eedaymo uga yimid Xisbiga Mucaaradka ee Waddani.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobalka Maroodijeex Cabdiraxmaan Maxamed Hadhiye oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in aanay waxba ka jirin eedaymo ay u soo jeediyeen Xisbiga Waddani oo ay ku sheegayeen in rinji laga mariyay Xafiis ay ku leeyihiin degmada Gacmodheere ee Magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Hadhiye oo arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi “Warkaas waa been abuuur maaha mid sal iyo raad toona leh waxa ay isku afgaran waayeen kiradii guriga xaafadii guriga la hayd. waxaaana hadaladooda aad ka arkaysay hadalo is khilaafsan iyaga oo marna leh Xafiiskii Axmed Dhagax ayaa nalaga rinjiyeeyay marna leh Xafiiskii Gacmodheere ayaa laga rinjiyeeyay, markii ay suurta gali waday in ay Xafiis ka kiraystaan degmada Gacmodheere ee dadkii guriga lahaa ay isku afgaran waayeen ayay eedii la soo koreen Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobalka Maroodijeex Cabdiraxmaan Maxamed Hadhiye waxa uu intaasi ku daray “Xisbiga Kulmiye guriga muu lahayn, dadka u diidayna muu ahayn, wax shaqo ah oo aanu ku la hayn ma jirto Maxkamadda ayaanu la tiigsan doonaa. waxaana aanu aaminsanahay in aanay sinaba u dhaafsiisnan nimankii hadlayay, waan dacwaynaynaa waayo been ayay naga sheegeen. waayo waxa ay yidhaahdeen Xafiis ayaa rinji lanaga mariyay. waxaana aan leeyahay doorashada u diyaargarooba,”.