“Ma Jiraan wax Sharci ahaan ka Hor imanaya aqoonsiga Itoobiya Siinayso Somaliland” Matt Bryden

0
59

Hargeysa (Dawan)- Matt Bryden oo ah la taliyaha dhanka Istaraajiyadda ee Machadka SAHAN ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta qaranka Itoobiya waxa uu si cad ugu sharraxay sharciyadda uu ku taagan yahay heshiiska is-fahan ee dhex maray Somaliland Iyo Itoobiya.

Bryden ayaa sheegay in aanay jirin wax sharci ahaan ka khaldan heshiiskani isla markaana Itoobiya ay adeegsanayso xaqa dal waliba u leeyahay inuu aqoonsado dal kale.

Matt Bryden ayaa intaa ku daray in shuruudaha dal lagu aqoonsadaa ay yihiin kuwo cayiman oo laysla yaqaanno kuwaasoo kala ah.

  1. In dalkaasi leeyahay dad cayimad oo la yaqaanno
  2. Dhul uu ka taliyo
  3. Iyo dawlad awood u leh inay dhulkaa ka taliso

Somaliland waa ay buuxisay saddexdaa shuruudood ba

Waxa uu sheegay in Somaliland jirtay in ka badan 30 sano oo ay ku naallonaysay xasillooni, haddii Itoobiya ay aqoonsanaysana ay iyadu xaq u leedahay.

Somaliland waxa ay la mid tahay uun dalalka Koonfurta Suudaan, Eritrea iyo Jamhuuriyadii Yuquslaavia iyo kuwii ka tiranaan jiray Midowgii Soofiya, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah la aqoonsaday.

Arrinta kaliya ee ay Somaliland kaga duwan tahay waa iyada oo xornimadeedii kala soo noqonaysa dal fashilmay 20kii sano ee u danbeeyay, isla wakhigan lagujirana aan lahayn dawlad tayo leh oo dhulkeeda ka wada Talisa, ta kasii daranina waa jiritaanka dawladda ka dhisan Somalia waxa aynu ognahay inuu ku xidhan yahay ciidamada shisheeyaha ah jooga ay Itoobiyana qayb ka tahay iyo caawimada ka badan 2da bilyan oo dollar oo inteeda badani ay ku baxdo dhanka ammaanka. Taageeradaa la’aanteedna waxa is weydiin leh sida ay noqon lahayd dawlada ka jirta Soomaaliya. Sidaa daraaddeed marka xaaladahaasoo dhan la eego, ma jiraan sharci ahaan wax ka hor imanaya in Itoobiya Somaliland aqoonsato.