Madaxweynaha JSL oo Wareegto uu soo Saaray ku Cayimay Wakhtiga Qabsoomidda Doorashooyinka

0
60

Hargaysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

Digreeto uu ku saxeexanyahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka soo baxday Qasriga madaxtooyada, ayaa lagu cayimay maalinta rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta Siyaasadu, wareegtadan ayaa waxa ay u dhignayd sida tan:-

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.