WEEDHA WARGEYSKA: Ninkii Ba’naayoow Lagu Fasax

0
51

Jamhuuriyadda Somaliland waxa astaan u ah Nabada iyo nidaamka dimuquraadiyada ee tartanka asxaabta iyo in xukunka dalka hadba cida qabanaysa ay shacbigu go’aamiyaan oo ay doortaan.

Hannaanka noocan ah wuxuu leeyahay hirdan iyo xifaaltan siyaasaddeed oo joogto ah,waana xeelladaha lagu kala riixdo mansabka hogaaminta Qaranka oo ay hadba cidii danaynaysa u ah dariiq ay ku kasbato codbixiyeyaasha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay qalinka ku duugay dhaqan-gelinta Jadwalka Doorashooyinka isa saaran ee Madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka oo ay soo saareen guddida Doorashooyinku todobaadkan bilowgiisii.

Tani waxa ay ka dhigantahay Dalku inuu u jihaystay millay Doorasho iyo maalmo lagu loollamayo miidaanka siyaasadda, iyadoo garoonka uu garsoore ka yahay Shacbigu.

Doorashada waxa loo cayimay 13 bisha November 2024, taasoo waafaqsan go’aankii ay hore u gaadheen golaha Guurtida JSL, waxaana innaga xiga hadda lix bilood oo qudha maalinta loo dareerayo goobaha codbixinta haddii alle ka dhigo.

Sidaasi darteed, laga bilaabo shaacinta Jadwalka Doorashada miidaanka lagu tartamayaa wuu furan yahay, waxaanay xaaladdu taagan tahay Ninkii ba’naayoow lagu fasax,taasoo ah farriin ku haboon in loo diro siyaasiyiinta iyo kooxaha foolka u saaran ee damacooda ku jahawareeriyey sanadkii la soo dhaafay iyo dharaarihii inna dhaafay.

Waxaanay weedha “Ninkii ba’naayoow lagu fasax” si gaar ah ugu socotaa xisbiyadda Mucaaridka oo ay qaarkood dooarasho doonistu ka gaadhay heer ay duminta qaranka ka qayb-qataan, kuna dhagaroobaan fagaareyaasha siyaasadda iyadoo aanay jirin sabab ay u galaaftaan nafaha muwaadiniinta taageerta, sida masiibadii isku-dhufashada Ciidanka amaannka iyo Shacbiga mudaharaadka rabshadaha wata ay ku soo abaabuleen bishii August 2022 iyo sidoo kale fad-qalallooyinkii kale ee dhibaatada iyo dhaawacyada u geystay Waddanka intii khilaafka doorashooyinku jiray.

Haddaba, xisbiyaddii caynkaas falay iyo kuwii tudhaalaha Qaranka u tanaasulay maalmihii adkaa ama si kale haddii aynu u nidhaahno muxaafid iyo mucaarid-ba madaxweynaha Qaranka iyo hay’addaha maamulaya doorashooyinku way furreen albaabkii garoonka Doorashada. sidaas awgeed dhamaan daneeyayaasha ka qaybgelaya tartanka waxa looga baahan yahay inay harreeraha ka jiraan hawsha qabsoomida Doorashooyinka, ololluhuna waa inuu noqdaa mid ay ka reeban cunfi iyo wax kasta ceebaal ku ah nidaamka dimuquraadiyadda.