Xukuumadda oo ku Guulaysatay Dhammeystirka Jidka Ceerigaabo

0
65

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Mudane Raabi Cabdi Maxamed, iyo maareeyaha wakaallada horumarinta waddooyinka ayaa gaadhay degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa u kuurgalay hawlaha shaqo ee warshada soo saarta jayga ee ku taala degmada Gar-adag, waxaanu warbixino kaga dhageystay masuuliyiinta warshada iyo shaqaalihii warshadaasi ku sugnaa.

Mudane Raabi Cabdi Maxamed, wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayso la wareegista mashaariico kala duwan oo wasaaraddu ka hirgelisay gobolka Sanaag iyo degmooyinka hoos yimaada iyo dhagax dhiga jid mihiim ah oo isku xidhi doona magaalada Ceerigaabo iyo magaalooyinka kale ka xiga dhinac bari.

Sidoo kale wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in la dhameystiray jidka isku xidha gobollada Togdheer iyo Sanaag, ee Ceerigaabo waxaanu xusay in muddo aan ka badnayn toban cisho lagu dhammeystirayo xaalxaalka u hadhay, waxaanu intaas raaaciyay in jidadku ay yihiin waxyaabaha horumarka bini’aadamka qayb weyn ka qaata, waxaanu xusay in magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco loo kala socdo 4 saacadood halka markii hore toban saacadood iyo wax ka badan ay qaadan jirtay.