Xaqiiqda Iyo Yaabka Macbadka Karni Mata!

0
38

Dadka badankooda way neceb yihiin jiirka inay gurigooda ku dhex arkaan waa ay la dagaalamaan. Laakiin waxa jira dadka Hindida ah qaarkood ee dalkaas cajiibka ah ee Hindiya waxa ay aad u ixtiraamaan jiirka isla markaana waxa ay u dhiseen macbad. Macbadka Jiirka waxa loogu daryeelaa si ka duwan sida xayawaanka kale loo xanaaneeyo.

Waxa ay  ka sheqeeyaan caafimaadkiisa, cuntada wuxu kula cunaa weelkooda, arinkan ayaa dad badan iyo dalal badan yaab ku riday, laakiin Hindiya (dhulka yaabka badan) waa arin caadi ah , maxaa yeelay waxa jira boqolaal caado oo kala duwan oo dhamaantood wada cajiib ah.

Macbadka Karni Mata oo laga dhisay dhagax qurux badan waxba kama duwana macbadada kale ee hinduuska Hindiya, laakiin waxa uu kaga duwan yahay dadka jooga iyo dhaqankiisa. Macbadkan oo 30 km dhinac koofureed ka xiga magaalada Biikaas waa meesha keliya ee dunida uu ku yaallo macbad jiirka si weyn u daryeelaya isla markaana ixtiraamaya. Wakhtigan wax ku nool  20 kun jiir oo lagu xanaanneeyo raashinka lagu siiyo, isla markaana leh dhakhaatiir caafimaadkiisa si gaar ah u ilaaliya.

Macbadka Karni Mata ee ku yaalla goblka Rajistan ee Hindiya waa macbada 500 sano jiray, laakiin waxa dib loo cusboonaysiiyay horaantii qarinigii 20aad. Sababaha jiirka ay ugu weyneeyaan ayaa ah iyagoo Hinduuska mcbadkan samaystay ay aamisan yihiin in jiirka ay soo gasho naftii caruurtooda dhimatay oo iyagu isu soo bedelay Jiirkan, sidaasi darteedna ay yihiin caruurtoodii. Waxaana ay ugu yeedhaan jiirarkaasi “Hinduus Kamba” ama caruurtii yaryarayd, waana Jiir ka duwan jiirka kale ee aan ku noolayn macbadka.

Jiirkan waxa raashinka lagu siiyaa weel macdan ah oo ay ka buuxaan midho, caano, Juus hindi, dadka hantida haysta ee aaminsan arinkan ayaa balan qaaday inay bixinayaan kharashka ku baxaya macbadkan Jiirka.

Waxa kale oo raashin iyo maaliyad keena dadka kale ee imanaya macbadka kuwaasi oo aaminsna inay barako iyo khayr ka helayaan. Waxa kale oo iyana jirta in dadka iyaguna jiirka wax la cunaa inay bixinayaan lacag badan, kuwaasi oo iyagu aaminsan inay heleen barako iyo khayr badan.

Si looga ilaaliyo jiirkan shimbiraha hawada maraya waxa lagu xidhay dushiisa silig macdan ah oo aanay ka soo gudbi karin. Hindiya waa duni balaadhan oo loo yaqaan Jasiirad la moodkii yaabka lahayd (Hindiya). (Source: Karni Mata Temple)