Halista Sharka Carabkaaga!

0
113

Rasuulka Allah (scw) wuxu xadiis ku yidhi : “ Walaalkaa oo aad weji furan ku qaabishaa waa sadaqo” . Weji furnaanta iyo dhoolcadayntu waa astaan aad dadku ku soo jiidan karto oo aad agtooda ka noqonaysid qof muxtarim ah.

Kibirku isna wuxu ka mid yahay ficilada xunxun ee dadka ka fogaynaya, dadku waxay jecel yihiin inay la joogaan kuwa naxariista badan ee dadka qiimeeya.

Dulqaadka iyo inaad cadhada aad ka fogaatana waa geesinimada , geesiguna waa kan naftiisa hanta wakhtiga aad loo xumeeyo  ee uu cadhoodu.

Inaad ka fiirsato odhaada iyo hadalka oo aad maamuli karto carabkaaga waxay iyana ku soo jiidaysaa inay badato qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay. Waayo ma jiro dhib ka weyn hadalka xun.

Waxaana inaga filan xadiiska Rasuulka Allah (scw) “ Qofkii Allah iyo maalinta qiyaame rumeeyay  haku hadlo khayr ama ha iska aamuso”.

Inuu qofku noqdo mid niyad samaan ku nool oo wax kasta ka eegaya dhinaca wanaagsan ayaa sabab u noqda inuu qofku hadafkiisa gaadho.