Ciidanka Asluubta oo bilaabay Diyaargarowga Maalinta Qaranimada ee 18-ka May

0
61

Hargeysa (Dawan) Taliyaha guud ee ciidanka asluubta Somaliland, sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa kormeer ku tegay goobta ciidanka asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaar garawga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2024-Ka oo dhawaan inagu soo fool leh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka ayaa ku jira gaardis ay ugu sii diyaar garoobayaan maalinta Qaranimada JSL, oo bilkasta la xuso bishan 5-aad 18-keeda.

Taliyaha ayaa ciidanka asluubta ee loo xulay kaqayb galka munaasibada xuska 18-ka May, ku boggaadiyay kuna amaanay sida wanaagsan ee ay ilaa hadda uwadaan diyaargarowga maalinta Qaranimida iyo hawl soconsiinta hawlaha ay Qaranka u hayaan.

Taliye Libaax iyo abaandule Xasan Cali waxa ay ciidamada ka codsadeen in gacana ay xuska diyaargarowga kuwadaan, gacana cadowga ku ilaaliyaan.

Madasha loo asteeyay in ciidanka asluubtu ay ku sameeyaan gaadiska diyaargarowga xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May, ayay ku soo badhigeen diyaargarow xoogan oo ay ku muujiyeen kartidooda iyo khibraddooda.

Sannadkasta bishan May waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranku Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaargaroobayaan weyneynta maalintan.