Gaza: in Ka Badan Labo Boqol oo Meyd ah oo La Helay

0
68

 

Hayโ€™adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol oo meyd ah hadda laga soo saaray xabaal wadareedyo ku yaalla barxadda cisbitaalka Naasir ee Khan Younis.

Hay’adda – oo ay maamusho Xamaas – ayaa sheegtay in meydadka ay ku hoos jireen isbitaalka. Waxa ay sheegtay in qaarkood si kooban loo dilay โ€“ halka qaar kalena la qoday oo dib loogu aasay qabuuro la oggolaaday oo la sameeyay intii ay Israaโ€™iil goโ€™doomisay.

Israa’iil waxay sheegtay inay eegayso warbixinnada la xidhiidho xabaal wadaredyada. Ciidamada Israel ayaa ka baxay Khan Younis labo todobaad ka hor ka dib dagaal xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta caafimaadka.

Iyadoo ka hadlayay Geneva, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda caafimaadka ee Gaza –Tlaleng Mofokeng — ayaa sheegay in aan weli la helin maydad badan tan iyo markii uu bilawday iskahorimaadka Gaza