Kal-fadhigii 8-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo furmay

0
59

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaasi Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa markii uu guddoomiyuhu furay Kalfadhigii 8-aad ee golahaasi, waxa mudanayaasha golahaasi   loo qaybiyey ajandahooda kal-fadhiga 8-aad, kaasi oo qodobadiisa ay ka mid yihiin, warbixinta guddiyada golaha, uyeedhista iyo la xisaabtanka masuuliyiinta Qaranka, Xeerarka golaha guurtida ka soo noqday iyo mashaariicaha sharci ee golaha horyaala   iyo mashaariicda sharci ee golahaasi horyaala, ansixinta masuuliyiinta Qaranka, wixii kale ee soo kordha iyo xeerarka madaxweynaha ka soo noqda.

Sidoo kale markii xildhibaanada loo qaybiyay ajandaha Kalfadhiga 8-aad ee goluhu ku shaqayn doono inta uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga, qaarka mid ah xildhibaanada oo aragtidooda ka dhiibtay, kadib waxa la isku afgaran waayay in la ansixiyo.

Gaba-gabadiina   gudoomiyaha golahaasi, ayaa mudaneyaasha ka dalbaday  in ay ajandahaasi ka soo baraan dagaan soona akhriyaan.