Dhibta Ciqaabta Waalidka Ee Ubadka!

0
87

Dalka Urugway oo ku yaalla Latin America lamaane wada joogay ayaa wiil ay dhaleen muddo 14 sano ah ku xidhay qol gaar ah.ย  Wiilkan oo lagu magacaabo Oskar ayaan qolkaasi ka soo bixin mudadaasi.

Waxa ku dheeraaday cidiyiihisa iyo timihiisa, waxaana ay ku ciqaabayeen ka dib markii ay arkeen isagoo gabadh la socda.

Maalntii ay goosteen inay sii daayaan isagoo 19 sano jir ah, waxa waalidkan aan naxariista lahayn qabsaday arrin aanay filayn ka dib markii ay waayeen dhakhtar ka daweeya xanuunada nafsaaniga ee mudadaasi ku dhacay kaasi oo noqday mid gaar ah oo ka duwan kuwii hore loo yaqaanay.

 

Dhakhaatiirta ayaa cadeeyay in aanay maskaxdiisu u shaqanayn si caadi ah taasi oo ay keento marka mudoo badan ciil iyo murugo ku jiro. Waxayna u xaqiijiyeen in aanu wakhtigan lahayn dawo.

Wakhtiyadii hore ee uu bilowga ku ahaa qolka lagu xidhay aadย  ayuu u ooyi jiray, taasi oo ay mujisay astaamaha indhihiisa ka muuqda. Dhakhaatiirta ayaana ka diiday nay qabtaan madam aanay dawo u hayn.ย  Xarun kasta oo caafimaad ayaa u sheegtay in aanay dawadiis haynin nooca xanuunka nafsaaniga ah ee wiilkan yar ku dhacay.

Waalidku waa in ciqaabka khariban aanu ubadka kula degdegin. Taasi oo keeni karta in noloshiisu ku baabaโ€™do.