Guterres oo walaac xooggan ka muujiyey hawlgallada ka socda Rafax

0
103

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Talaadadii sheegay inuu “ka argagaxay” korodhka ku yimi dhaq-dhaqaaqa militari ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Rafah ee ku taalla koonfurta Qaza, halkaas oo ay ciidamada Israa’iil ay ka wadaan hawlgallo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqyadan ugu dambeeyey ayaa sababay inay markale barakacaan ku dhowaad 450,000 oo qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo si khasab ah looga raray meelaha ay deganaayeen toddobaadkii hore.

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay, in xiisaddan cusub ee soo korodhay, in ay carqaladaynayso gargaarkii bini’aadanimo ee la geyn lahaa gudaha Qaza, iyada oo uga sii daraysa xaaladda oo markii horeba ahayd mid aad u liidata.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in ururka Xamaas laftoodu inay u rideen gantaallo kala duwan, si aan kala sooc lahayn, wuxuuna sheegay “inay tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, xilli walba, ha ku sugnaadeen magaalada Rafax ama meel kale oo Qaza ka mida”.

Todobaadkii la soo dhaafay, militariga Israa’iil ayaa xoojiyey duqeymaha iyo howlgallada kala duwan ee ay ka wadaan magaalada Rafah iyagoo shacabka ku amrayay in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah magaalada. Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaadayso hawlgal xaddidan oo ay ku burburinayso kaabayaasha ay isticmaalaan ururka Xamaas ee ku teedsan xuduudda Masar.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in haatan aanay jirin meel ammaan ah oo ka mida marinka Qaza, wuxuuna markale ku celiyey, in la gaadho heshii xabbad-joojineed oo degdeg ah, isla markaana in la sii daayo maxaabiista.