Aroos wadareed loo sameeyay agoonta Nigeria oo qaylo dhaan dhaliyay

0
101

Aroos wadareed  oo la qorsheeyay in lagu qabto ilaa 100 hablood oo agoon ah ayaa waxa uu cadho xoogan ka dhaliyay guud ahaan dalka Nigeria.

Agoontan oo qaarkood laga cabsi qabo in ay yihiin gabdho aan qaan gaadhin ayaa lagu wadaa in 24-ka bishan aqal galkoodu ka dhaco gobolka waqooyi-galbeed ee Niger.

Gabdhan ayaa waalidood ku waayey weerarrada ​​burcad hubaysan, kuwaas oo si joogto ah u bartilmaameedsada dadka rayidka ah ee gobolka oo dhan.

Wasiirka haweenka Nigeria Uju Kennedy-Ohanenye ayaa sheegtay inay gudbisay amar maxkamadeed oo lagu joojinayo xaflada.

Sida ay wararku sheegayaan, meher wadareedkan ayaa waxaa taageeray afhayeenka baarlamaanka gobolka Niger, Abdulmalik Sarkin-Daji, oo sheegay in culimada deegaanka ay la soo xidhiidheen si ay uga caawiyaan maalgelinta.

Ururka Imaamyada dalka Niger ayaa sheegay in xaflada guurku ay socoto, iyaga oo ku adkaystay in habluhu aanay ka hoosayn da’da 18-sano ee sharciga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadka dhaleeceeya ayaa walaac ka muujiyay in gabdhaha qaarkood laga yaabo in ay ka yar yihiin 18, ama lagu qasbo in ay u hoggaansamaan dhaqaale.

Wasiir Kennedy-Ohanenye ayaa sheegay in habluhu “ay u qalmaan guur wanagsan” sidaa loo baahan yahay in la eego da’da 100-ka hablood iyo inay raali ka yihiin guurka.

Waxay intaa ku dartay in waaxdeedu ay gabdhaha siin doonta waxbarasho iyo tababaro, iyada oo intaa raacisay in haddii afhayeenkanaarlamaanka  gobolku Niger uu hor joogsado dadaalladaas “waxaa jiri doona dagaal culus oo sharci ah oo u dhexeeya isaga iyo Wasaaradda Haweenka”.

Jimcihii, kaaliyaha sare ee madaxweynaha Abiodun Essiet ayaa ku celiyay qorshaha waxqabad ee Ms Kennedy-Ohanenye.

Ms Essiet ayaa intaa ku dartay: “Codsigeyga dhammaan dhinacyada ay khuseyso waa in la joojiyo siyaasadaha iyo barnaamijyada ka faa’iideysanaya dhaqaale ahaan dadka naafada ah, kordhinta iyo dib u warshadaynta faqriga, iyo jahliga qoto dheer.”

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Nigeria ayaa bilaabay codsi ay ku joojinayaan qorshaha. Laga bilaabo fiidnimadii Jimcaha, waxay haysataa 10,500 saxeex.

Sida laga soo xigtay kooxda caalamiga ah ee ololaha gabdhaha aan guursan, 30% gabdhaha iyo 1.6% wiilasha Nigeria ayaa guursaday ka hor da’da 18. Ilaa 12% gabdhaha ayaa la guursadaa ka hor dhalashadooda 15aad.

Guurka ubadku wuxuu ku badan yahay waqooyiga dalka, qoysaska saboolka ah, miyiga. Waxa loo arkaa hab ay ku dhimi karaan culayska dhaqaale ee qoysaskooda ama ay ku hagaajinayaan isbahaysiga siyaasadeed iyo kuwa bulsho.

Woqooyiga Nayjeeriya badi waa Muslim, caadooyinka diinta iyo dhaqanka, sida guurka badan, ayaa jecel dhaqanka.