Filibiin oo Shan Markab oo Ilaalada Xeebaha ah ka iibsatay Japan-heshiis $400M ah

0
103

Filibiin ayaa ogolaatay in ay Japan ka soo iibsato shan markab oo ilaalada xeebaha ah heshiis ku kacaya in ka badan 400 oo milyan oo doolar, Manila ayaa sheegtay Jimcihii, iyada oo dalka ku yaal Koonfur-bari Aasiya uu wajahayo cadaadis sii kordhaya ee kaga imanaya Shiinaha kuna saabsan muranka badda Koonfurta Shiinaha.

Japan ayaa amaahin doonta Filibiin 64.38 bilyan yen ($ 413 milyan) si ay u iibiso shanta Markab ee dhererkoodu yahay 97-mitir, waxa tan lagaga jawaabayaa  arrimaha hadda taagan,” ayaa lagu yidhi bayaan ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Fillipin.

“Tani waxay ka taageeri doontaa ilaalada xeebaha Fillipine si ay u wanaajiso awoodeeda hawlgallada badda gaar ahaan wax ka qabashada dambiyada caalamiga ah,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo tixraacaya Ilaalada Xeebaha Filibiin.

Tokyo waa bixiyaha ugu sarreeya ee kaalmada horumarinta dibadda ee Filibiin.

Ilaalada Xeebaha Filibiin hadda waxay haystaan ​​laba markab oo 97-mitir ah oo ilaalinaya maraakiibta raxan raxanta ah ee Shiinaha taas oo loo arkay in aanay ku filnayn ilaalinta biyaha agagaarka jasiiradaha ballaadhan.

Bilihii la soo dhaafay, maraakiibteeda ayaa dhowr jeer isku dhacyo la galay maraakiibta ilaalada xeebaha Shiinaha ee ku hareeraysan xeebaha lagu muransan yahay ee ku yaal badda Koonfurta Shiinaha, taas oo ay Beijing sheeganeyso gabi ahaanba.

Doonyaha Ilaalada Xeebaha ee Philippine ayaa sidoo kale lagu soo riday biyaha kulul ee ay ridaan maraakiibta Ilaalada Xeebaha Shiinaha, iyada oo dhacdadii ugu dambeysay ay dhacday 30-kii Abriil meel u dhow halka loo yaqaano Scarborough Shoal oo Shiinaha ay maamusho.

Silsiladdan saddex-geesoodka ah ee reefs iyo dhagaxyada ka kooban Scarborough Shoal waxay 240 kiiloomitir (150 mayl) galbeed ka xigtaa jasiiradda ugu weyn Filibiin ee Luzon iyo ku dhawaad ​​900 oo kiiloomitir u jirta Hainan, oo ah dhulka ugu dhow ee Shiinaha.

Japan ayaa ku soo duushay oo qabsatay Filibiin intii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin labada waddan waa heshiis wada leh ganacsiga iyo maalgashiga si ay uga hortagaan sheegashada Shiinaha ee gobolka .

Iyada oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga amniga, Manila iyo Tokyo waxay ka wada xaajoonayaan heshiis difaac ah oo u oggolaanaya waddammada in ay ciidamo geeyaan dhulka midba midka kale .

Hogaamiyayaasha Japan iyo Filibiin – oo labaduba ah xulafo muddo dheer ah Maraykanka – ayaa bishii hore ku sugnaa Washington shir saddex geesood ah oo ay la yeesheen madaxweynaha Maraykanka Joe Biden .

Xiisada ka taagan badda koonfurta Shiinaha , oo ay weheliso sheegashada Shiinaha ee jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan, ayaa ku kaliftay Biden inuu kor u qaado xulafada gobolka.

Beijing ayaa sheegata inta badan marin biyoodka, iyada oo meesha ka saaraysa sheegashooyinka dalal kale ee ka soo horjeeda, oo ay ku jiraan Filibiin, iyo sidoo kale xukun caalami ah oo sheegaya in sheegashadiisu aanay lahayn wax sharci ah.