Poland oo $2.5 bilyan ku maalgelisay ammaanka xadka ay la wadaagto Ruushka iyo Belarus

0
99

 

Poland ayaa ku bixisay ilaa 2.5 bilyan oo doolar si ay u dardargeliso ammaanka xadka ay la wadaagto Ruushka iyo Belarus iyada oo hor tegaysaa in looga soo gudbo, ra’iisul wasaaraha Donald Tusk, ayaa sidaa sheegay Sabtidii.

Donald Tusk ayaa sheegay in mashruucan oo loo yaqaano Shield-East, oo ay ku jiraan dhisidda dhufaysyada milatariga, ay mar hore bilaabatay. Poland waxay ku taal dhinaca bari ee NATO iyo Midowga Yurub, Tusk wuxuu ku nuuxnuuxsaday inay mas’uul ka tahay ammaanka Yurub.

“Waxaan qaadnay go’aanka ah in aan maalgashanno badbaadadayada oo aan marka hore aanu ammaan ka dhigno xuduud bari, ilaa 10 bilyan zloty ayaa ku baxay,” ayuu yidhi Tusk.

“Waxaan furaynaa mashruuc weyn oo ah dhismaha xuduud nabdoon, oo ay ku jiraan nidaamka deyrarka iyo dhufayska xidhiidhsan, waxaanu ka dhigi doona xadkan mid ka daboolan cadow suurtagal ah,” ayuu yidhi Tusk.

“Waxaan bilownay go’aankan si aan xuduudka Poland uga dhigno mid nabdoon oo aan laga gudbi karin cadowga wakhtiyada dagaalka,” ayuu yidhi.

Waxa uu la hadlayay ciidamada Polish ee ku sugan Krakow, ee koonfurta, si ay u xusaan 80 sano oo ka soo wareegtay guushii xulafada ee Battle of Monte Cassino ee Nazis intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka.

Xukuumaddii hore ee garabka midig ee Poland ayaa darbi dhan 400 milyan oo dollar ka dhistay xadka Belarus si loo hakiyo qulqulka muhaajiriinta badan ee la bilaabay in jihadaas laga soo riixo 2021, laakiin xukuumadda hadda jirta ee taageersan Midowga Yurub ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xoojiyo. Poland ayaa xulafo adag la ah Ukraine oo dagaal difaac ah kula jirta duulaanka Ruushka.

Wadamada xuduuda la leh ama ku dhow Ruushka ayaa aad uga baqaya weerar uga yimaada Ruushka, sidoo kale waxay ka baqayaan wadamada Ruushka xulafada la leh in loo soo