90 Jir u Guntaday Ilaalinta Degaanka iyo Daryeelka Dhirta

0
79

Dunidu waxay halgan ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa Dhul-kaymeedka deegaanka, si loola tacaalo dhibaatooyinka saxa-xumada Hawada ee sababaya isbedelka Cimilada “dunida 31% ayaa maanta Kaymo ah”sida ay tibaaxayso warbixinta sanadkan ee qaramada midoobay.

Ilaalinta deegaanka iyo waxyaabaha dhulka dushiisa ku nooli waa masuuliyad-wadarreed adduunku si weyn u tixgeliyo oo shuruuc iyo heshiisyo caalami ahi ka yaallaan, iyada oo ay ujeeddadu tahay in laga hortaggo in xaaluf iyo isbedello taban ay ku dhacaan.

Caalamku waxa uu tobanaankii sannadood ee u dambeeyey halgan kula jiraa saameynta isbedelka cimillada oo faro baas ku haysa nololsha dad, duunyo nool iyo bad-qabka caafimaadka magaalooyinka.

Deddaallada ugu badan waxa ay dunidu ku bixinaysaa yaraynta wasaxowga deegaanka iyo horumar waara in laga sameeyo.

Somaliland waxay kamid tahay wadamada uu sida tartiib-tartiibta ah u saameynayo Isbedelka Cimilada, waxaana dhibaatooyinka uu sababay kamida abaaraha soo noq-noqda ee ka dhasha roob-yaraanta.

Sida ay muujinayaan daraasado badan oo laga sameeyey dalka dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay, Somaliland ma jiraan wershado waaweyn iyo aallado kale oo saameyn ku yeeshay deegaanka.

Hase ahaatee caqabadaha jira waxa ka mida in dadku dabar-jarayo dhirta, in aanay jirin daryeel guud oo lagu samaynayo bay’adda iyo in aanay bulshadu ku baraarugsanayn in deegaanku u baahan yahay in loo ilaaliyo sida duunyada la dhaqdo oo kale, una baahan yahay horumarin joogto ah.

Waxaana jira dad kooban oo isu xilqaamay inay gaadh ka noqdaan ilaalinta deegaanka ay ku nool yihiin.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa Maxamed Yuusuf Gorse, oo ah 92 Jir ah, oo muddo soddon sannadooda oo ku taariikhaysan markii ay Somaliland xornimadeeda la soo noqotay u taagnaa dayactirka deegaanka uu ku nool yahay.

Maxamed Gorse, oo ka mida  bulshada ku dhaqan deegaanka Ceel-geniseed oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxa uu raaci ka yahay oo jiraa nololsha Kaynta danta guud ee dhul-beeraadka ku hareeraysan dooxa Ceel-biyoodka leh soddonkaasi sannadood.

Waxaanu shaqadaasi isugu xilsaaray si mutadawacnimo ah, kaddib markii uu arkay sida loogu takri falayo goynta dhirta laga shidayo Dhuxusha ama sifooyinka kale loo jarayo.

Si loo badbaadiyo deegaanka waxa uu ku taliyey in qofkii Geed gooyaa uu mutaysto xadhig saddex bilood ah, waxaana taladaasi la qaatay oo heshiis bulsho u bedelay Odayaasha Deegaanka iyo maamulka dawladda ee heer degmo Gabiley iyo Gobol.

“Markii aan arkay sida deegaanka loo dhibaataynayo, ee dhirta loo goynayo ayaan u tegay Odayaashii iyo maamulkii degmada Gabiley, waxaan ku idhi waxaan ilaalinayaa deegaanka mushahar-na  ma doonayo ee waxaan doonayaa in lay ogolaado in qofkii Geed gooya ee dhuxul ka shida saddex bilood la xidho, sidii aan idhi ayaa layla qaatay oo la go’aamiyey, kaddib waxaan dadkii deegaanka aanu wada degenayn heshiis ku galnay in go’aankaas aanu ku dhaqano”ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay wariye ka tirsan warbaahinta dawladda Somaliland oo ku booqday deegaanka uu degen yahay.

Oday Maxamed, ayaa sheegay in dagaaladii waddanka ka dhacay waxyeello u geysteen Ugaadhii duur-joogta ahayd ee dalka oo uu caan ku ahaa deegaanka Ceel-giniiseed. Waxaanu yidhi “Ugaadhii meeshan joogi jirtay ma jirto waxa Iminka ku soo hadhay waxyar”

Ilaalintiisa deegaanku waxay sababtay in dhulka uu degen yahay uu noqdo Kaymo cagaaran oo gu’ iyo Jillaalba lagu noolaan karo, isla markaana ka duwan mandaqada ku xeeran .

“Meesha waxa ku yaalla ilaa konton beerood, markii dhirta laga daayey garaacista way baxday oo meeshii Kayn ayay noqotay”ayuu raaciyey oday Maxamed Gorse.

Geesta kale dhirtu waxay u qabataa deegaanka shaqooyin badan, waxaana kamida inay ilaaliso caro-guurka, inay falaadhaha cadceeda nuugto iyo hawada ku sii dayso neef fayow.

Sidoo kale waxay soo jiidaa Roobka oo meeliba meesha ay ka geeddo badan tahay ayey ka roob iyo tigaad roontahay, sida ay sheegaan culimada dhinaca Deegaanku.

Sidaasoo ay tahay Deegaamo badan oo kamida Somaliland, waxa xaalufiyey dhibaatada lagu hayo goynta dhirta ee aan loo aabo yeellayn.

“Marka ay nagu khasabto waxa la shidaa dhirta qoyan, laakiinse inta badan kuwa qalalan ayaan raadsanaa”ayuu u sheegay wariye ka tirsan Dawan Wiil dhalinyaro ah oo ku nool deegaan Taysa oo ka tirsan isla gobolka Gabiley.

Mawliid, oo cimrigiisu yahay da’da soddonka waxa uu Iib u raadinayey Lawdh Dhuxul ah oo la shiday.

“Dhibaatada waxa keenay baahida taalla deegaanka oo ah mid la abuuray. Dhalinyaradu markay waayaan lacag ay qaad siistaan ayey dhirta garaacayaan”ayay leeyihiin maamuleyaasha tullooyinku.

Tani waa shaqo lidi ku ah deddaalka soddon jirsaday ee Maxamed Gorse, waxaanay isu jiraan masaafo gaadhaysa inta ay cirka iyo dhulku isu jiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Yuusuf Gorse shaqada uu hayo, waxa laga baran karaan qodobadan soo socda

In ilaalinta badqabka Deegaanku u baahan tahay masuuliyad gaar ah oo bulsho

In dadka deegaan wadaagta ahi shuruuc ka yeeshaan la-tacaalida waxyeellada deegaanka.

“Waxaanu doonaynaa inay dadka kalena nagaga daydaan oo ay sidaas oo kale sameeyaan..” ayuu Maxamed u sheegay Warbaahinta Qaranka.