Wasiirka Biyaha JSL oo Kormeeray Ceelasha Biyaha Ceerigaabo

0
102

 

Ceerigaabo (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ahna Gudoomiyaha  3aad ee xisbiga Kulmiye oo ay wehelinayaan Wasiiradda  Wasaaraddaha Hawlaha guud, Kaluumaysiga,   caafimaadka   iyo Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka  Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada  Ceerigaabo ayaa shalay subax hawl-gal kormeer iyo u kuurgalka xaaladaha biyaha ku tegay qaar kamida ceelasha biyaha ee ay ka cabaan Bulshada ku dhaqan Degmada Ceerigaabo.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta ceelashaasi gacanta ku haya, kuwaasi  oo dhawaan dib u haybayn lagu Sameeyay qaar kamida kuwa kalena ay Wasaaradda Biyuha oo Kaashanaysa Haya’ddaha ay wada shaqaynta leeyihiin ay qodeen.

Sidoo kale  Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha ayaa ballan qaaday inay usoo kordhinayaan Ceelasha biyaha ee ay magaaladu ka cabto iyada oo dhawaan ay Wasaaraddu ka hirgelisay degmada biyo ballaadhin dhan 16 km oo beebab ah.

Sdoo kale  Wasiiradda  ayaa kulan la qaatay guddida nabad galyada Gobolka iyaga oo  shacabka kula dardaarmay inay aad u ilaaliyaan  Amiga gobolka iyo sidii ay Dadku ugu Wada noolaanlahaayeen nabad galyo.