Sidee Gobalada iyo Degmooyinka Dalka Looga Xusay Maalinta Qaranimada Somaliland?

0
81

Hargeysa (Dawan) – Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka daka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn looga xusay dabaal-degga munaasibadda 18-ka May ee 33 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada xoriyadda iyo madax-bannaanida Somaliland.

Hargeysa

Hargeysa oo caasimadda Somaliland oo ilaa habeen hore aan lagu kala saxeexan isla-markaana dhalinyarada iyo dad kale oo aad u ugu qiiraysan xuskani hadba dhinac u qaadayeen jidka Wadnaha oo dib u casriyeyn lagu sameeyay, ayaa subaxnimadii 18-ka May, waxa mowjado dadwayne reer Somaliland ah oo ku lebisan calanka Somaliland waxay isugu soo urureen hareeraha jidkaasi oo aad amaankiisa loo adkeeyay isla-markaana ciidamada kala duwani si feejigan isha ugu hayeen dhaqdhaqaaqa dadwaynaha si looga hor-taggo cid kasta oo dhibaato ku soo tallo-gasha, maadaama oo madasha munaasibadani ka dhacaysay ahayd albaabka aqalka Madaxtooyadda.

Dadwaynaha oo qaarkood iyagga oo aan quraacan guryahooda ay uga soo kalaheen inay wayneeyaan xuska 33 guurada Madax-banaanida Somaliland, adduunkana u soo bandhigan in qadiyadoodu tahay muqadas, ayaa waxa xuska kala qayb-galay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi weftiyo heer caalami ah oo ka socday waddamada caalamka ee Somaliland saaxiibka la ah, wakiillada Somaliland u jooga dalalka safaaradaha ku leh Somaliland, iyo madaxda xisbiyadda iyo baarlamaanka Somaliland, kuwaasi oo laftoodu sitay calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dadwaynaha ka qayb-galay xuskaasi oo tiradoodu kumanaan ahayd, ayaa markaa ka dib waxay si qiiro leh sacab iyo debaal-deg ugu soo dhaweeyeen cutubyo ciidamada qalabka sida ah iyo gaadiidka tiknikada ah oo si