Dedaal lagu badbaadinayo Shimbiraha Penguin ee Afrika

0
64

Shimbiraha xeeb-jooga ah ee loo yaqaana Penguins ee qaarada  Afrikaka,  ayaa laga yaabaa in dabar go’aan sidaana waxa sheegaya Saynis yahanada. War dhiilo leh oo ku saabsan dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in sanad walba ay shimbirahaasi hoos u dhacayaan boqolkiiba 8%. Penguin-ka Afrika – oo ugu badan dalalka Koonfur Afrika iyo Namibia – boqolkiiba 99% dabar go’ay qarnigii la soo dhaafay.

 

Iyaga oo daciifay oo caato noqday ayaa lagu arkayaa xeebaha Koonfur Afrika. “Haddii heerka hoos u dhaca hadda uu sii socdo mustaqbalka dhow, waxaan arki karnaa dabar go’a  nolosha, sidaas darteed xaaladdu aad ayay degdeg ugu tahay,”  sidaa waxa tidhi Dr Alistair McInnes oo madax ah Ururka Koonfurta Afrika ee Ilaalinta Shimbiraha Xeebta (Sanccob). Ururkani waxay soo jeedinayaan in tallaabo sharci ah la qaado.

Waxay ku eedeeyeen Wasiirada deegaanka in ay ku guuldaraysteen inay si waafi ah u ilaaliyaan noolaha dabar-go’aya. “Ma ogolaan karno in nooluhu dabar go’aan annaga oo eegayna,” ayay tidhi Kate Handley oo ka socota Xarunta Sharciga Noolaha, oo matalaysa kooxaha u dhaqdhaqaaqa Noolaha. Waxay intaas ku dartay in dowladdu ay dastuuriyan waajib ku tahay in ay ka hortagto xaaladdan oo kale.

Penguin-ka Afrika waxay ku noolaayeen xeebaha ku teedsa koonfur-galbeed ee Afrika muddo dheer, waxaase la qiyaasayaa in ay hadda ku hadheen8,750 lammaane oo tarami kara.

Penguin-yadu waxay soo jiitaan dalxiisayaal ka kala yimid adduunka oo dhan kuwaas oo u yimaada si ay u arkaan shimbirahan gaagaaban oo leh xarijimaha madow ee dhagaxaanta xeebaha ku nool.

Waxay ku dhallaan xeebta, waxay la kulmaan jiritaan khatar  oo dhalaha waa laga cunaa waxay u nugul yihiin ugaadhsiga dabiiciga ah -Laakiin cadawga dhabta ahi waa bini’aadam.

Waxay waxyeello u geystaan deegaankooda.

Isbeddelka cimilada ayaa dhibaatada uga sii daraysa – duufaannada iyo daadadka ayaa khatar gelinaya deegaannadooda waxaana ku sii adkaanaysa shimbirahan in ay helaan cunto marka biyaha badda iyo heerkulku isbeddelayaan.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa isku dayday in ay xakameyso dhaq-dhaqaaqyada kalluumeysiga, kuwaas oo isticmaala shabagyo waaweyn si ay u soo qabtaan kalluun badan.

ururka Sanccob ayaa ku doodaya in kalluumaysiga laga mamnuucay agagaarka deegaanada si buuxdana loo ilaaliyo dadka Penguin.

Shamera Daniels  oo ka mid ah ururka wershadleyda kalluumaysiga ayaa rumaysan in ay dhibaatada Penguinka ay wax ku leeyhiin waxay tidhi “Waxaan nahay qayb ka mid ah dhibaatada,”. saliid iyo gaas, wasakh kale ayaan xeebta ku qubnaa”. Ururka Sancob waxay doonayaan in ay maxkamad la galaan dawlada Koonfur Afrika laakiin lama yaqaan goorta ay noqon doonto. Qiyaas la sameeyey ayaa sheegaysa in marka la gaadho sanadka 2035 in kala badh hoos u dhacdo tirada shimbirahan.