Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo Ka Qayb Galay Munaasibad Xadhiga Lagaga Jarayay Markis Diini ah

0
64

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay munaasibad xadhigga lagaga jaraayey Markis diini ah oo laga hirgeliyey xaafadda State House-ka ee magaalada Hargeysa.

Waxa ugu horayn munaasibadan xadhiga lagaga jaraayey markaskan Diiniga ah ka hadlay mas’uuliyiinta Markaskaas iyo xubno kamid ah culimada waaweyn ee dalka, iyaga oo sheegay in ardayda wax ka baran doonta aan wax lacag ah laga qaadayn, waxa aanay soo jeediyeen in laga qayb qaato kafaala qaadka macalimiinta ardayda wax ku bari doonta Markaskan laga hirgeliyey xaafadda State House-ka.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi,Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland iyo guddoomiyaha degmada Gacmadheere ee magaalada Hargeysa ayaa ku amaanay guddidii dhisaysay Markiskan talaabada wanaagsan ee ay dhanka hor u marinta xifdiga Qur’aanka ah iyo barashadiisa u qaadeen,waxa aanay ka warbixiyeen marxaladihii uu soo maray dhismaha Markiskani.

Geestooda waxa halkaas ka hadlay Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland Deeq Aw Cali Yuusuf,waxa aanay sheegeen in xaafadda State House-ka ay ku nool yihiin carruur fara badani,kuwaas oo u baahan in lagu kaalmeedyo waxbarashada,gaar ahaanna barashada Qur’aanka kariimka ah.

Xubno kamid ah Odayaasha xaafadda State house-ka oo ku hadlaayey afka shacabka xaafaddaas ku nool ayaa soo dhaweeyey dhismaha Markiskan,waxa aanay sheegeen in baahi weyn loo qabay Markiskan.

Ugu dambayn,wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in ay waajib innagu tahay ka shaqaynta diinteena Suuban iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Dhinaca kale wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ku dheeraaday faa’iidooyinka ay leedahay ka shaqaynta Diinta iyo Qur’aanka kariimka ah iyo waxa uu ka dhaxlayo qofka u ban baxa inuu ka shaqeeyo.