Stevie Wonder oo qaatay dhalashada wadanka Ghana

0
61

Heesaagii hore ee Maraykanka Stevie Wonder ayaa hadda noqday muwaadin u dhashay dalka Ghana ka dib markii si rasmi ah loo siiyey dhalashada wadankaa todobaadkii hore.

Fanaanka caanka ah ee Maraykanka oo 74 jirsaday – waxa uu qaatay dhalashada Ghana la qaatay madaxweynaha qaranka Ghana.

Xiddigan weyn oo ku dhashay gobolka Michigan ee dalka Maraykanka, balse muddo dheer xidhiidh la lahaa dalkan ku yaala Galbeedka Afrika ayaa haatan dhalashada uu qaatay ku tilmaamay wax la yaab leh.

Madax weynaha Ghana Nana Akufo-Addo oo Stevie Wonder guddoonsiiyay abaalmarinta Grammy xaflad ka dhacday aqalka madaxtooyada halkaas oo sidoo kale lagu guddoonsiiyay keega dhalashadiisa.

Wonder oo tiro heeso caan ah garaacay ayaa si cad u muujin jiray rabitaankiisa ah inuu joojiyo muusigga oo uu u guuro Ghana. Waxa uu rumaysnaa in abtirsiintiisu ka soo jeedo halkaa ama laga heli karo halkaas, sida ay wararku sheegayaan.

Sanadihii 1990-meeyadii, ayuu safar ku tagay Ghana, waxa uu BBC-da u sheegay in uu la kulmay madaxweynihii hore ee Ghana Jerry Rawlings, kaas oo sagaashamaadkii ku marti qaaday aqalka madaxtooyada.

“Waxaan xusuustaa madaxweynihii hore ee Rawlings, oo ii ogolaaday inaan dalka dhammaantii ku duulo ilaa gees ka gees, waqooyi ilaa koonfurta, waxayna ahayd cajiib.” Ayuu yidhi.

Iyaga oo ay garab taagan yihiin qoyskiisa oo gashan maro ka samaysan hu dhaqameedka ayaa, Wonder ugu dambayntii uu ka mid noqday dadka reer Ghana.

Ghana waxay in badan ku faani jirtay inay tahay xudunta Afrikaannimada – hoggaamiyihii dhidibada u taagay, Kwame Nkrumah, waxa uu ugu yeedhay dawladda Galbeedka Afrika “Makada Madow”.

WEB Du Bois oo isna ahaa Afro-American ayaa u guuray Ghana waxana lagu aasay 1963, halka Martin Luther King, Malcolm X iyo Muhammad Ali ayaa booqashooyin heer sare ah ku tagay dalka si ay dib ula xidhiidho asalkooda Afrikaan ah.

Sannadkii 2001, Ghana waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee qaaradda siinaya faraca Afrikaanka xaqa ay ku joogaan. Tan iyo markaas, dadka Afrikaanka ah ee qurbaha ku nool waxay awood u yeesheen inay ku noolaadaan oo ay ka shaqeeyaan Ghana iyaga oo aan dib u cusboonaysiin fiisahooda ama ogolaanshahooda shaqo.

2019-kiina dawladda Ghana waxay bilawday hindisaha “sanadka soo noqoshada” ee lagu dhiirigelinayo dadka Afrikaanka ah ee qurbaha ku nool inay u guuraan halkaas.

In ka badan 300 oo Afrikaan ah oo qurba joog ah ayaa la siiyay dhalashada Ghana tan iyo markaas.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha Ghana ayay ku sheegtay in muwaaddinnimada Wonder ay “ay ka dhigan tahay guul weyn oo laga gaadhay dadaallada uu waddanku ku doonayo in lagu soo jiito qurba-joogta Afrikaanka ah iyo in la aqoonsado waxtarka muuqda ee qurba-joogta Afrika”.

Ninka laftiisa ayaa sheegay in uu hadda qorshaynayo in uu ku dhaqaaqo hindise fursado shaqo oo waaweyn u abuuraya dhalinyarada Ghana, kuwaas oo qiyaastii 38% ka ah dadweynaha.

“Jiilka ugu da’da yar wuxuu joogaa Afrika, waxaan u baahanahay inaan bilowno inaan ka fikirno sida weynaantoodu u iftiimin karto,” ayuu yidhi.

Stevie Wonder waa Heesaa araga Naafo ka waxaana uu Heesaha bilaabay sanadkii 1975, wakhtigana waa 74 jir.