Guddida Tacliinta Sare ee oo Hakiyay Furashada Goobaha Tacliinta Sare ee Somaliland

0
62

Hargaysa (Dawan) Guddida Tacliinta saree e Somaliland ayaa joojisay furashada goobaha tacliinta sare ee dalka, waxaanay go’aan ka soo saareen in la joojiyay qabashada codsiga furashada goobahaasi.

War ka soo baxay xafiiska guddida tacliinta sarre ee Somaliland, oo uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha guddida tacliinta sarre ee JSL, Pro. Saleebaan Dirir Cabdi, oo soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa lagu sheegay in la hakiyay qabashada codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sare, taas oo uu sabab uga dhigey in furista goobaha cusub ee tacliinta sarre ay xad dhaaf noqdeen.

Warka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha tacliinta sarre ayaa u dhignaa sidan:- “Sida aad la wada socotaan waxa jirta in ay soo badanayaan codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sarre taas oo noqotay xad dhaaf.

Haddaba guddida tacliinta sarre waxa ay beryahan danbe ku gudo jireen kormeer iyo qiimayn ay ku samaynayaan goobihii hore u jiray.

Sidaasi darted guddida tacliinta sare wuxu go’aan ku gaadhay in la hakiyo qabashada codsiyada furashada goobaha cusub ee tacliinta sare, ilaa amar danbe ama inta sannadkan 2024 ka ka hadhay.

Waxa kale oo sideedaba loo joojiyay in la bixiyo liisanka goob cusub oo Online ah”.