Wasiirro Soo Xidhay Kulan Quraan Akhris Wadareed ah

0
40

Hargaysa (Dawan): Wasiiradda Waxbarashadda, iyo Diinta iyo Aw Qaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb galay xidhitaanka barnaamij hal fadhi lagu akriyay sodonka jis ee Quraanka Kariimka ah, kulankaasi oo ka qabsoomay magaaladda Hargaysa.

Waxaana barnaamijkaasi ka qayb qaadanayay 200 oo arday kuwaasoo isugu jiray 100 Wiil, iyo 100 gabdhood, waxaanay isla fadhigaasi ku dhameeyeen akhriska 30-ka jis ee quraanka kariimka ah.

Sidoo kale waxaa kulanka qayb ka ahaa 200 oo macalin oo iyadgna isugu jiray Ragg, iyo dumar, kuwaasoo 200 ee arday ka dhegaysanayay akhriska quraanka kariimka ah.

Kulankaasi waxaa ka qayb galay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo wasiirka Waxbarashadda Somaliland Dr. Axmed Aadan Buuxane, iyo sidoo kale xubno ka mid ah culimaw-diinka dalka.

Wasiir Maxamed Xaaji Aaadan Cilmi, oo kulankaasi soo xidhay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in kulan noocan lagu qabto Somaliland, kaasoo noqonaya dalkii labaad ee caalamka islaamka ka tirsan ee lagu qabto.

“Cid kastoo u fikirtay, oo ka soo shaqaysay, oo ka qayb gashay, waxaan ILLAAHAY SWT u waydiinaynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu darro. Waana markii ugu horaysay ee caalamka islaamka badankiisa laga qabto Qasa, ayuun baa la ii sheegay in ay inaga horaysay, waana ILLAAHAY SWT fadligii haddii uu dalkeenu noqonayo dalkii labaad” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiirka waxbarashadda Somaliland oo isna xidhitaanka kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay kulankani uu yahay mid qiimo weyn u leh dalka, iyo dadkaba, isla markaana ay muujinayso heerka dawladda Somaliland iyo quraanka.

Waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa in aan idiin sheego dawladda la idiin sheegayaa waa idinka, inteena halkan fadhiya ayuun baa dawladda sheeganaysa. Meeshana ma joogin dad ajaanib ahi, ceebaal, iyo xumaani ma jirin”.

Geesta kale Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre, (Sheekh-ismaaciil Dheeg), oo ka mid ah culimadii kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in quraanka akhriskiisu uu yahay cibaado, isla markaana marka si jamac ah loo akhriyo uu khayr badani ku jiro.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wuxuu ahaa kulan cibaado. Maxaa yeelay, quraanka akhriskiisu waa cibaado. Kulan cibaado oo jamaaci ah ayuu ahaa. Wuxuu ahaa mimbar ay dhalinyaradu isku baranayeen, oo aad iyo aad u qiimo badan. Wuxuu ahaa maalin aynu caalamka islaamka metelaynay”.