Xukuumadda oo Beeralayda JSL Hor-dhigtay Fursad Muhiima

0
107

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qorshe u samaynayso dhiiri-gelinta wax-soosaarka Dalka, qorshahaasi oo lagu salaynayo isku-jaangoynta cuntooyinka dibada ka yimaada iyo dhuuniga waddanka ka soo baxa, iyada oo la xadiddayo waxyaabaha dibada laga soo dhoofiyo, haddii uu wax-soo-saarka Beeralayda Somaliland gaadho heer uu ku filnaan karo bulshada.

Xukuumadda Somaliland waxa ay tilmaantay inay nidaamka cashuurta iyo tacriifadaha baddeecadaha dibada laga soo dhoofiyo wax ka bedelayso marka ay midhaha Dalka ka soo baxaa u muuqdaan kuwo lagaga marmi karo cuntada dibada.

Sidaasi waxa sheegay Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Habane oo ka hadlayey munaasibad lagu soo bandhigayey mashaariic dhanka Beeraha ah. Mashruucan bandhiga lagu sameeyey oo laga fuliyey Degmada Arabsiyo ayaa waxa taageero ka geystay dawladda Taiwan.

“Ka Wasiir ahaan haddii aad Beeralayeey soo saartaan wax-soo-saar innagu filan oo waddanka ku filan, waxaan ballanqaadayaa iyada oo aanu la kaashanayno hogaaminta madaxweynaha in aanu soo saari doono go’aamo lagu yaraynayo khudaarta iyo cuntooyinka dibada innooga yimaada” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Habane.

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray “Arrintaas oo aanu u isticmaalayno cashuur wakhtiyeed (seasonal tax) aanu ku samayno bilaha ay khudaarta iyo midhaha kale ee dalkeenu soo go’aan oo aanu wax kaga bedelno cashuurta” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu intaasi ku daray inay ka wasaarad ahaan is-barbar taagayaan bulshada Beeralayda ah oo ay aqoon iyo tacab-ba ku taageerayaan. Waxaanu diyaar u nahay in aanu mar walba idin garab istaagno oo idin dhiirigelino oo aanu, aqoon, cilmi iyo cududba idin gelino” ayuu raaciyey.