Dalka Itoobiya oo Lagu Qabtay Munaasibadda Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18MAY

0
99

Addis Abab (Dawan) Dalka Itoobiya ayaa shalay lagu qabtay munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dhammaan bulshada Somaliland ee ku nool dalkaas,gaar ahaan caasimadda Addis-ababa iyo madaxda safaaradda Somaliland ee Itoobiya, taas oo loogu xafladaynayay laguna waynaynayay maalinta Qaran ee 18 May la soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

 

Munaasabada xuska sanad guurada 18 may oo ka qabsoomay Caasimada dalka Itoobiya  gaar ahaan aggaa beerta saaxiibtinimada ayaa waxa madasha soo buux dhaafiyay marti kala duwan oo isugu jira muwaadiniinta Somaliland iyo masuuliyiinta dalka aynu saaxiibka nahay ee Itoobiya oo la dabaaldegayay Somaliland.

Munaasabada lagu maamuusayo 18 may ee sanadkan, in kasta oo ay shalay  ay taariikhdu ahayd  28 bisha may hasa’ahaatee waxaa si meeqaam sare ah looga gol-leeyahay xuska sanad guurada 33aad ee Somaliland.

Waxaa la ogsoonyahay Munaasibada Xuska 18 May in  laga xusay guud ahaan magaalooyinka kala duwan ee Somaliland, hadaba munaasabadan oo ay soo agaasintay safaarada Somaliland ay ku leedahay Itoobiya ayaa waxaa kasoo qayb galey masuuliiyiin kala duwan oo  uu hoggaaminaya  sii hayaha safaaradda  Itoobiya ahna safiir ku xigeenka  Barkhad Maxamuud Kaariye, Culimaa’udiinka dalka, siyaasiyiin, cuqaal, aqoonyahano, qeyba ka mid ah Madaxda dhaqanka, ugaas, abbaa gadhaa khadiir, suldaan maxamed xasan, la-lataliyaha madaxweeynaha Somaliland Cali warran Cadde oo kaalin mug leh ka qaatay xidhiidh wanaaga laba geesoodka ah.

Munaasabadan  ayaa waxa  kaga duwan tahay munaasabadihii sanadihii hore ee jaaliyada Somaliland qabsan jirtay, heshiiskii is faham ee ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed