“Gobolnimada Gabilay Waxa hor Taagan Xildhibaanada Wadani Iyo Ururka Kaah,”.Xildhibaan Cabdikariin

0
75

Hargeysa(Dawan):-Xildhibaan Cabdikariim Maxamed  oo ka tirsan Golaha wakiilada   ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Isbahaysiga Mucaaridka ee  Xisbiga Waddani  iyo Urur Siyaasadeedka Kaah in ay caqabad ku  yihiin in  la ansixiyo Gobolnimada Gabilay.

Xildhibaanka oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gabilay buuxisay shuruudihii Gobalnimo,

Waxaanu  yidhi”Golaha Wakiilada waxa uu u fadhiisan la yahay arimo Siyaasadeed,xeerarka Madaxweynuhu soo gudbiyay waxa ka mida ansixinta  gobolnimada Gabilay.iyo afrtii degmo ee derejada B loo dalacsiiyay ee degmada Caynaba degmada Baligubadle degmada Sheekh iyo Baki oo ay tahay in Golaha Wakiiladu Waajibaadkiisa ka guto illaa iyo hada Xildhibaanada isbahaysiga Mucaaradka ee Waddani iyo Kaah waxa ay ka warwareegayaan ansixinta  Gobolnimada Gabilay,waxa aanu ognahay shirarka la galay waxa aanu haynaa in aanay diyaar u ahayn in la ansixiyo Gobolnimada Gabilay.waxaana xeerhoosaadka Goluhu dhigayaa in xeerarka ka soo noqda Madaxweynaha mudnaanta ay leeyihiin,waxaanan  bulshada Gabilay u sheegayaa in Xildhibaanada isbahaysiga Mucaaridka Waddani iyo ururka  Kaah in ay ka warwareegayaan ansixinta Gobolnimada  Gabilay.Gabilay  waa Gobol buuxiyay shuruudihii Gobolnimo waa Gobol darajadiisu tahay A.waxa aan leeyahay saxiibadayda Golaha Wakiilada  reer Gabilay  idinkamay filayn in aad ka warwareegtaan anixinta Gobolnimada Gabilay,”.