Orod Yahanka Mo Faarax oo lagu soo Dhaweeyay Gabiley

0
80

Gabiley (Dawan): Orod yahanka caanka ah ee u orda dalka UK, Maxamed Faarax, dhalasho ahaana ka soo jeedda Somaliland  ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Gabiley.

Waxaana soo dhawaynta orod yahanka ka qayb galay badhasaabka gobolka Gabiley C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Gabiley iyo masuuliyiin kale.

 

Orod yahankan caanka ah ee Mo Farax, oo haysta dhalashadda dalka Ingiriiska oo uu u ordo, isla markaana uu tartamo badan guulo waaweyn ka soo hooyay ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Gabiley.

Waxaanu ka war bixiyay u jeedadda socdaalkiisa isagoona ka dareen celiyay soo dhawaynta ay u sameeyeen maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmadda iyo dadweynaha kaleba.

Waxaanu yidhi “Dareenkaygu maanta (shalay) aad buu u fiican yahay, waxaanan imid meeshii aan u dhashay oo ah Gabiley.  Qof waliba ma ilaawo meeshii uu ku soo korray. Waxaanan tegaynaa meelo ay ka mid yihiin iskuuladda, xarumaha caafimaadka, aniga iyo haayadda Save the Children, maxay u qaban kartaa dhalinyaradda, weliba gaar ahaan iskuuladda, markaa waxyaabo badan ayaanu haynaa.

Haayadda Save the Children-na in ay badan bay wadankeena u caawisay, haday noqoto dhalinyarada, iyo nafaqo darrada xarumaha caafimaadka. Markaa imika waxaan u nimid shaqadu sida ay dhacday, waxa la qabtay, maxaan ku biirin karnaa, maxaa wadanka iska bedelay”.

 

Orod yahan Maxamed Faarax, oo la waydiiyay maadaama oo uu tartankii orodka ka fadhiistay inuu noqonayo hadda samafale, ayaa ku jawaabay sidan “Insha Allaah, waan jecelahay wadankayga in aan wax u qabto, iyo dadkaygaba, inaan wax qabto aad baan u jecelahay. In badan oo horena waan u soo qabtay, ee maanta uun aaha. Balse maanta waxaanu qiimaynaynaa wixii aanu wada qabanay haayadda Save the Children, oo aan shantii sanadood ee u danbeeyay la shaqaynayay”ayuu yidhi orod yahanka caanka ah ee Mo Farax.

Geesta kale orod yahankan caanka ah ayaa sidoo kale markii danbe booqday qaar ka mid ah dugsiyadda gaarka loo leeyahay ee  ku yaala magaaladda Gabiley, halkaasoo uu hadalo uga jeediyay ardayda dugsiyadaasi ku sugnayd.