“Somaliland Waxay Dayr iyo Difaac U Tahay Amniga iyo Xasiloonida Wadamada Jaarka.” Danjire Maxamed Cumar Xaaji

0
100

Hargaysa (Dawan) Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Taiwan Danjire Maxamed Cumar Xaaji ayaa sheegay in ay Somaliland wadamada jaarka dayr uga tahay khataraha ka jira mandaqada, kaas oo ay kaga gudban tahay.

Danjiraha ayaa sidoo kale u soo jeediyay wadamada jaarka inay fahmaan in dalka Somaliland ka hortaagan yahay halisaha ka jira geeska ee ay ka mid ka yihiin dhaqdhaqaaqa argagixisada iyo xiisada ka taagan marinka badda cas oo uu xusay inay dhufays Somaliland uga noqotay dalalka jaarka la ah.

Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Danjire Maxamed Cumar Xaaji ayaa intaa ku daray in Somaliland iyo dawlad iyo shicib ba iyagoo  wada jira inay si wadajir ah uga dabbaasheen duufaanada, colaadeed iyo isbedelka ka socda guud ahaan gobolka geeska oo uu sheegay In tan iyo intii ay Somaliland jirtay in ay wadamada deriska la aha ay ka hortaagan tahay wax kasta oo halis ku ah amnigooda iyo xasiloonidooda.

Safriirka Somaliland ee Taiwan Amb Maxamed Cumar Xaaji ayaa sidan ka sheegay waraysi uu siiyay muuq baahiyaha MM TV oo uu kaga waramay arrimo badan oo la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo wadamada deriska la ah oo uu sheegay inay Somaliland siyaasadeedu tahay in wadanka kasta ay ula dhaqanto sida ugu wanaagsan ee wadamadu u macaamilaan.

Amb Maxamed Cumar Xaaji oo la waydiiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya iyo dareenka dalka Jabuuti ayaa sheegay in dalkaasi uu yahay mid Somaliland ay aad isugu dhaw yihiin oo cilaaqaad wanaagsan ay leeyihiin, waxaanu xusay haddi ay yimaadaan inay fikirkooda ka dhiibtaan in aanay dhib lahayn, isaga oo sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid faa’iidadiisa ay aad u wayn tahay, isla markaasina isaga uun aakhirka loo soo noqonayo waxaanu yidhi

“Somaliland siyaasad ahaan wadamada jaarka la ah ee xuduudka ay la leedahay, siyaasad ahaan waxa ay qaadatay in sida ugu wanaagsan ula noolaano, Somaliland nabadgelyadeeda iyo deganaanshaheedu waxa uu keenay inay wadamada jaarku nabad ahaadaan, oo ganacsigoodu wanaagsanaado.

Waxa aynu ka haynaa khataro waawayn oo dunida ka jira, waxad eegtaa laba khatarood oo waawayn ayaa ka jira meesha aynu ku nool nahay, midi waa khatarta xag-jirka oo Al-shabaab hogaan u tahay, midna waa khatarta badda cas, labadaba inagu waynu iska caabinay, dadkeena iyo dawladeena oo wadajira ayaa iska caabiyay mudadii aynu jirnay iyo intii ay kuwaasi jireen ba”.