Warbixin Cisbitaalka Hargaysa Ka Soo Saaray Bukaanada Kelyaha loo Sifeeyo

0
93

Barnaamijka Caafimaadka ee Wargeyska Dawan todobaadkan qormadeena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa, Cisbitaalka Hargaysa oo warbixin ka soo saaray lixdii bilood ee u danbaysa xaaladda bukaanada Kelyaha loogu sifeeyo Cisbitaalka iyo waxa ay ku sugan yihiin.

 

Qormadeenan koowaad ee Barnaaminka Caafimaadka waxa aynu ku ogaan doonaa tirada bukaanka ku jira qaybta Kelyaha Cibitaalka Haragysa, adeega ay ka helaan Cisbitaalka, kharashaadka sifaynta Kelyaha cidda ka bixisa, wax yaabaha sababta u ah inay Kelyuhu fadhiistaan marka ta ILLAAHAY laga soo tago.

 

Qormadan waxa aynu diirada ku saari doonaa warbixinta uu bulshada la wadaagay Cisbitaalka guud ee Hargaysa ee khusaysa bukaanka qaybta Kelyaha ee Cisbitaalka.

 

Haddaba 6-dii Bilood ee ugu danbaysay Bukaanada Kelyaha loogu sifeeyo Hargeisa Group Hospital tiradoodu waxay gaadhay 145 bukaan, 101 kamid ahi waa Rag halka 44 kamid ahani Dumar yihiin.

 

51 kamid ah Waxa Kelyaha Fadhiisiyay waa inuu wada hayo Xanuunada Macaanka iyo Dhiigkarku, 91kamid ah Dhiigkar keliya ayaa kelyaha fadhiisiyay, 2 kamid ah Macaan kaliya ayaa kelyaha fadhiisiyay, Halka 1qof oo kamid ahi uu lahaa Kelyo xanuun.

 

110 kamid ahi Waxay Da,doodu ka weyn tahay 40 sano, 30 kamid ahi waxay da,doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 jir, halka 5 kamid ahi ay Da,doodu ka yartahay 20 sano.

 

Fiiro Gaar ah: Bukaan kasta Halkii Mar ee kelyaha loo sifeeyaa Waxay ku qiimaysan tahay inta u dhaxaysa 35 ilaa 50 Dollars, Dhamaan kharashaadkaas waxa laga bixiyaa Miisaaniyada Qaranka JSL.

Talo Caafimaad:

 

  1. In Bukaanada Qaba Xanuunada Macaanka iyo dhiigkarku ay Dawadooda ilaashadaan
  2. In Jimicsiga lagu dedaalo
  3. In Cunto Caafimaad qabta la quuto oo aan lahayn Milix iyo Macaan badan
  4. In Qofkastaa ka warhayo Xaaladiisa Caafimaad
  5. In Soomka lagu dedaalo
  6. In Balwadaha laga dheeraado
  7. In la iska ilaaliyo qaadashada Daawooyinka aanu Dhakhtar qorin.