“Ragga Muuse Biixi Askarinimadda ku Caayayoow Askarigu waa kii kaa Guulaystay” C/casiis Samaale

0
114

Oodweyne (Dawan): Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye C/casiis Maxamed Samaale, ayaa ku dhaliilay masuuliyiinta xisbiga Waddani in aanay ahayn rag xisbigaasi iyo hoggaankiisa gaadhsiin kara kursiga madaxweyne-nimo.

Waxaanu sheegay C/casiis Samaale, in hore ay u soo tartameen saddexda murashax madaxweyne ee xisbiyadda Kulmiye, Waddani, iyo UCID, isla markaana ay si cad u soo kale badiyeen, sidaas darteedna aanay weli madaxda Waddani fahmin sirta lagu kala guulaysanayo.

C/casiis Samaale, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo ay madaxda xisbiga Kulmiye u sameeyeen maayerka, iyo maayer ku-xigeenka degmadda Oodweyne, ee gobolka Daad-madheedh,  iyo taageereyaal hore uga tirsanaa xisbiga Waddani oo ku soo biiray xisbiga Kulmiye.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Maayarka iyo ku-xigeenka degmadda Oodweyne saw Kulmiye ma soo gelin, miyaanay tartanka bilawgiisii oo kala badina ahayn. Saddexda xisbi qaran hore ayay u tartameen, waanay kala badiyeen. Saddexda murashax madaxweyne ee maanta tartamayaana hore ayay u tartameen, waanay kala badiyeen.

Annagu sirta aanu ku badinayno qolooyinka Waddani, iyo UCID ba ha ogaadaane, waanu idiin sheegaynaa. Waxaana ka mid ah, horta xisbi ballaadhan baanu nahay, … dadka inta ay xisbiyadda iyo xukuumadaha magaca ku yeeshaan, hadana ka abaal dara ma nihin.  Kuwa na caayaya, ee na la tartamayaa, waa rag inta ay xisbigan Kulmiye magac ku yeesheen, oo ay magacii Kulmiye huwadeen, oo uu Cirka gaadhsiiyay, ayay hadana Kulmiye maanta cay ka dhigayaan”.

Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee xisbiga Kulmiye waxa kaloo uu sheegay in masuuliyiinta haatan ka midka ah hoggaanka sare   ee xisbiga Waddani in ay ka tirsanaan jireen xisbiga Kulmiye, isla markaana ay xilal sar  sare oo wasiirnimo ka soo qabteen.

Balse ay taa bedelkeedda haatan u soo tafo xayteen sidii ay u caayi lahaayeen xisbiga Kulmiye ee hore derejooyinka iyo xilalka uga soo qabteen, taasina ay muujinayso diciifnimadooda siyaasadeed, maadaama oo ay caayayaan xisbigii ay hore uga soo tirsanaayeen.

“Masuuliyiin imika Waddani ku jira, oo Kulmiye wasiirro ka soo noqday, ayaa maanta Kulmiye caayay. Waayo? Xisbi uu magacii ugu sarreeyay ku gaadhay, markuu is caayayo, isagaa is caayaya. Ragga murashaxa madaxweyne ee  Waddani garbaha ka taagani, waa raggii Kulmiye wasiirrada waaweyn ka soo ahaa, illaa guddoomiyihii baarlamaanka, oo illaa maanta meel uu ku danbeeyay aynaan ogayni, Kulmiye ayay ka tegeen. Magaca C/raxmaan Cirro, in ay caayeen baan qabaa.

Ragga Muuse Biixi, askarinimadda ku caayayoow, hadda Muuse waa askarigii kaa guulaystay, ee madaxweynenimadda ku guulaystay. Askarinimaduna ceeb maaha, inaad kuliyadaha adduunka ugu sarreeya ee askarinimadda ka soo baxdaa cay maaha” ayuu yidhi C/casiis Samaale.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Annagu C/raxmaan caayi mayno, waxaanan u arkaa nin wanaagsan, laakiin laga dhooqeeyay, oo laga ceebeeyay, oo ay ku adag tahay inuu Somaliland madaxweyne ka noqdo. Waayo? Kooxdii madaxweyne ka dhigi lahayd ma wato. Kooxda uu C/raxmaan Cirro, soo safay waa kooxdii Kulmiye ka dhacday”.