Sabirka Iyo Niyadda Wanaagsan!

0
66

Anas bin Maalik (Rc) wuxuu yidhi: Nabiga (scw) ayaa soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kana ooyaysa qabrigiisa dushiisa. Markaasi ayuu ku yidhi: “ Allah ka baqo oo sabir. Gabadhii iyadu may garanayn Nebiga (cw) waxayna si cadho leh ku tidhi: iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicine. Wax yar ka dib qof  baa u sheegay inuu ahaa nabiga (scw) Markaasi ayay tagtay gurigii nebiga (scw) way u gashay waxayna kuna tidhi: “Kuma aan garaneyn. Wuxuu yidhi Nebigu (scw) : “ Sabirku waa inaad yeelato adkeysi oo aad isu dhiibto (Qaddarka Alle) marka ay dhibaatadu kugu dhacdo.” (Bukhaari iyo Muslim).