Koox odayaal Maraykanka oo ka mid ahaa ciidankii Normandy D-Day ayaa lagu soo dhoweeyey Faransiiska

0
73

Dadweyne aad u fara badan ayaa sawaxan iyo sacab ku soo dhaweeyay garoommada dayuuradaha ee dalka Faransiiska koox odayaal da’ weyn oo ka mid ah Askartii Maraykanka ee ka qayb galay dagaalkii labaad ee adduunka, kuwaas oo ka qayb gelaya xaflada lagu xusayo sanadguuradii 80-aad ee ka soo wareegtay maalinta D-Day oo in ka badan 150,000 oo askari oo xulafo ah ka soo degeen magaalada Normandy si ay halkaa uga saaraan ciidamadii Nazi-ga Jarmalka.

Qaar badan oo ka mid ah kuwa la soo dhoweeyey ayaa ka weyn 100, waxaana lagu riixayey kuraasta curyaamiinta oo ay ku wadeen qaraabadooda iyo kuwa caawinaya.  “Tani waa ma dhacdo, tani waa ma dhacdo, Wow”, ayuu yidhi Reynolds Tomter oo 107 jir ah, markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Charles-de-Gaulle ee Paris. Arday lulaysay calanka Maraykanka iyo kan Faransiiska ayaa soo dhoweeyey halyeeyadan ka soo  hadhay dagaalkii labaad ee adduunka, gaar ahaan 150,000 kun oo ka soo degay xeebta  Faransiiska ee Normandy 6dii bishan June 1944 taas oo sanad-guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay lagu xusay Faransiiska khamiistii shalay.

“Waxaan dareemaynaa wax weyn… aad ayaan ugu mahadcelinayaa inaan helay fursad  aan halkan dib ugu soo laabto, wiilkayga ayaa ila socda,” sidaa waxa yidhi Bill Wall oo 101 jir ah, oo wiilkiisa, Ray, uu ku riixay kursiga curyaamiinta.

“Waxaan waayay saaxiibo aad u wanaagsan, dhammaan dad badan oo ku jira xabaalo la yaqaan iyo qabuuraha aan calaamadaha lahayn waa geesiyaashii dhabta ahaa, waxay i siinaysaa fursad aan ku xuso abaal-marinta ay u baahan yihiin. Imaatinkayga halkan wuxuu dib u soo celin doontaa xusuus qaar ka mid ah dadkaaa waa weyn,” ayuu raaciyay.

Magaalada Deauville oo ah xeebta Normandy, duulimaad si gaar ah loo soo kireeyay ayaa ku degtay Isniintii kuwaas oo siday dad xuska ka qayb gelaya.

Guud ahaan Normandy, halkaas oo xeebaha iyo beeraha ay weli ka muuqdaan nabarradii dagaal ee qarxay June 6, 1944 ayaa loogu diyaargaroobayaa xafladaha rasmiga ah. Hogaamiyayaal caalamka ee ka socda oo uu ugu weyn yahay madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ilaa hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ka soo qayb gali doona.

Dhammaadkii wiiggan, Vierville-sur-Mer, oo ah magaalo wax yar ka sarreysa Omaha Beach – waxa laga sameeyey xero, taas oo siinaysa dadka booqanaya fursad ay ku arkaan qalabkii ay askartu isticmaalayeen. .

Odayaal ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Qaranka ee Virginia 29-aad Qaybta Infantry Division ayaa indhaha ku eegay xeebta halkaas oo ay weerarka ka bilaabeen 80 sano ka hor.

Hadaba xuska D-Day ee sanadka 2024, waxa xafladeeda la xusayaa iyada oo ay dagaalo ka socdaan Ukraine iyo Gaza. Maxay noqon doontaa faranteedu?

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa ka mid ah martida. Ruushka, oo duulaan buuxa oo uu ku qaaday Ukraine 2022, ayaa ku guda jira iska horimaadkii ugu weynaa ee hubaysan ee Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Hadda laguma casuumin dhacdooyinka D-Day ee hadda.

Xusaskani waxay na xusuusinayaan in afar sano oo Nazigu na haysteen waxa naga xoreeyey Maraykanka,” ayay tidhi Marie-Therese Legallois, oo todoba jir ahayd wakhtigaa D-Day, waxayna waxyaabo ka sii xusuustaa wixii wakhtigaa dhacay.

“Laakiin mar walba waan ka murugoodaa markaan arko dagaalku sii socdo, sida Ukraine iyo meelo kale.”