Waayaha Noloshu Waa Isku Mid !

0
61

Nolosha dadku way isu eg-tahay xagga toosnaanta iyo xagga qalloocaba. Dadka wanaagsan iyo kuwa xumina waa koobbi soo noqnoqoda sidaa darteed Qur’aanka iyo Xadiisku waxay inooga warmaan qisooyin aynu ka dhex arkayno nafteenna ama dad inla nool ha xumaadeen ama ha wanaagsanaadane.

Waxaad mooddaa in laga warramayo hebelka  madaxda ah ee caadilka ah ama hebelka xun ee daalimka ah oo aynu sebenkan wada nool nahay.

Mar kale waxay kula noqon in laga sheekaynayo hebelka ganacsadaha ah ama beeraleyda ah ee wanaagsan, marna waxaa kuu muuqanaya niman shirkad ah oo go’aansaday in aanay masaakiinta xaqeeda siin oo kuwa maanta jooga shabahayaan aadna isugu eeg yihiin.

Qisooyinku waa tusaale nool oo qofka isu barbardhigaya naftiisa iyo deegaankiisa oo dhinac ah iyo umadihii hore iyo xaaladohoodii oo dhinac ah.  Allah (sw) wuxuu dadka ku amray inay dhulka ku socdaan oo ay eegaan siday ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay si ay ugu waano iyo cibra-qaataan. Isla markaan wanaaga lagu daydo, xumaanta laga fogaado. Mar haddii waayaha noloshu isku mid yahay oo uu wareegayo , khalad iyo denbi qof hore ugu dhacay oo dhib uu keenay , hadada adigu la timaado adigana wuu ku asiibaya.