Xikmadaha Maanta

0
53
  • Qofna ha dulmiyin si aad naftaada uga farxiso, qofna haku gefin si aad gefkaaga qiil ugu samayso. Had iyo jeer isku day inaad farxaddaada ku dhisto adigoo ka fogaanaya in aad dhibto dadka.
  • Malaha xumi wuxu ku nacsiiyaa saaxibadaada, qoyskaaga qaarkood, wuxuuna yareeya kulanka asxaabta. Allah (sw) weydiiso inuu kugu arsaaqo malaha wanaagsan kaasi ayaa ah raaxada qalbiga iyo fayoobidda laabta.

 

  • Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso.maxaa yeelay waxaad la kulmi doontan markaad halkaasi weydo. Mana jiro qof weligii saraynaya.

 

  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysidย  sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna goโ€™aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.

 

  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaaย  joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh
  • Haddii mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.