Wakhti Kasta Aqoonta Way Ku Anfacaysaa!

0
61

James Dewey Wetson oo uu dhashay dalka Maraykanka wuxu ahaa macalin sare (professor) oo cilmiga biology noolaha iyo cilmiga la xidhiidha aqoon sare u lahaa isla markaana jaamacadaha dalkaasi ka bixin jiray casharada. Waxaana uu ka mid ahaa khubaradii sanadkii 1953 soo ย bandhigya qaabka dhiiga DNA.

Sanadkii 1962 ayuu ku guulaysty in la siiyo abaal marinta Nobel prize ee Cilmi nafsiga iyo dawada (Physiology and Medicine).

Aqoonyahnkaasi caanka aha ayaa sanadkii 2014 oo ay daโ€™adiisu ahayd 86 sano goโ€™aansaday inuu xaraasho biladda dahabka ah ee Nobel prize ee la siiyay sanadkii 1962 ka dib markii uu sabool noqday oo baahi lacageedna ku dhacday.ย  James ayaa kuย  soo bandhigay inuu ku iibin doono qiimo dhan 4.1 Million doller.

Ugu danbaystii waxa ka iibsaday maal qabeen Ruush oo lagu magacaabo Alisher Usmanov waxaana uu siiyay lacagtii uu ku xaraashayay, inkasta oo haddana markii danbe usoo celiyay isagoo sheegay in abaal marintan uu u qalmo oo uu iska haysto james oo ay gurigiisa u taallo madaama uu dunida wax ku soo kordhiyay. ย Wakhtigan waxa uu degan yahay Chicago ee dalka Maraykanka isagoo daโ€™diisu gaadhay 96 sano.