Xukuumadda oo Beenisay Warar Been Abuur ah oo laga Faafiyey Maxjarka Berbera iyo Dhoofka Xoolaha

0
105

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo la baahiyay kuwaasi oo sheegayay in la iibiyay Maxjarkii xoolaha ee magaalada Berbera.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in Maxjarkan ay ku jirtay Shirkada Al-jaabiri, isla markaana ay dowladdu siisay Maxjarkan ka weyn bacdal ciidkana ay uguurayaan, waxaanu intaas ku daray inay amar u haystaan in ay ku wareejiyaan wasaaradda hawlaha guud, si loogu diwaangeliyo dhul danguud ah.

Geesta kale waxa uu sheegay in Maxjarada magaalada Berbera ay yihiin saddex, waxaanu tilmaamay in mid ka mid ah ay dowladdu leedahay halka labada kalena ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ahi, isla markaana ay iyagu xaq u leeyihiin kuwooda inay iibiyaan iyo inay daayaan intaba.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ma ogi Maxjar la iibiyay, Maxjaradu saddex ayay ahaayeen, laba gaar ayaa loo lahaa kuwaasina dadka leh ayaa u xor ah haddii ay iibinayaan iyo haddii ay daynayaanba, ka dowladdana ilaa imika annigu iib ma ogi, Maxjarkii waagii hore ee Karantiilka la odhan jiray ayuu ahaa ilaa Ingiriisku wuu ogaa, waana mid magaalada ku dhexyaala.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dawladda hoose ee Berbera ay ka cabatay Maxjarkan oo ay magaaladu gaadhay, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dowladda hoose ee degmada Berbera ayaa aad uga cabatay, waxaaney sheegtay in Maxjarkaasi degaamoobay oo magaalada dhexdeedii galay oo dhib ku hayo isla markaanana dadkii iyo xoolihii aanay is bixinayn, waxaanu ka kireysnaa Shirkadda la yidhaahdo Sucuudi Imarat dadkeenuna u yaqaano Aljaabiri, waana Maxjarkii markii xooluhu innaga xidhnaayeen la inoogu furay, 2007 ilaa 2008-dii, maadama dowladdu siisay Al-jaabiri Maxjar kaas kaweyn, waxaana la isla gartay in uu qalabaysto oo uu u guuro, heshiiskaasina waxa uu ku eekaa 24 May, sidaasi ayaa Maxjarka loo baneeyay wasaaradda ayaana wali gacanta ku haysa, waxaaney naga codsadeen 20-ka cisho ee Arafada ka hadhay inay ka guuraan markay dhaafto, isla markaana bacdal Ciida ay ka baxaan, markay ka baxaana ogeysiisku waxa uu yahay in aan xoolo danbe la soo gelin karin, Maxjarka qayb waa dhismihi wasaaradda, qaybina waa xarunta horumarinta xoolaha iyo cilmibaadhista, marka Maxjarkaasi gacanta dowladda ayuu ku jiraa, waxa aanu amar ku qabnaa in dhulka danta guud ee wasaaradda hawlaha guud lagu wareejiyo uu ka mid noqdo, xaruntayadana aanu dayr gaara ku xidhano.

Marka wax la iibiyay majiro, waa dhul dowladeed, waana dhul danguud ah, wixii ay dowladdu dan moodo ayay ugu tallo galaysaa”