Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay In Manhajka Waxbarashada lagu Daro Culuumta Barashadda Degaanka

0
94

Boorama (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ugu baaqday wasiirka waxbarashadda Somaliland in manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose iyo dhexe lagu darro culuumta deegaanka.

Si ay bulshadeenu u fahmaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, iyo sidoo kale sidii ay ardaydu waxbarashada dugsiyadda hoose uga soo baran lahaayeen qiimaha ay dhirta iyo deegaanku u leeyihiin bulshadda.

Maadaama oo isbedelka cimiladu uu yahay wax socda, oo aan tegaynin, isla markaana u baahan in aan la qabsanano, adkaysina ugu yeelano dhibaatayinka iyo saamaynta xun ee ka dhalatay isbedelka cimialdda.

Waxaanay tidhi “Wasiirka waxbarashadda Somaliland waxaan ku boorinayaa in dugsiyadda waxbarashadda manhajkoodda hoos laga soo bilaabo, in loogu dhigo arrimaha deegaanka, maadaama oo isbedelka cimiladu uu yahay wax socda, oo aan tegaynin in aan la qabsano-na ay tahay, aanan u adkaysano”.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay sidan ka sheegtay hadal ay ka jeedisay munaasibad lagu xusayay maalinta Deegaanka Adduunka oo shalay lagu qabtay gudaha jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama.

Xuska sanadkan ee maalinta deegaanka adduunka ayaa hal-ku-dheg looga dhigay dib u soo celinta dhulka xaalufay, iyo la qabsiga abaarraha, waxaana munaasibadii xuska maalinta deegaanka adduunka ee jaamacadda Camuud, lagu qabtay ayaa lagu beeray 100 geed gudaha jaamacadda, si ay ugaga qayb gasho xuska maalinta deegaanka adduunka ee 5 bisha May.

Sidoo kale waxay jaamacadu dugsiyadda waxbarashadda ee magaaladda Boorama ka hirgelisay olole dhir beeriseed oo ay ugu tallo gashay in bulshadda lagu dhiiri geliyo,

Waxaana ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo sidoo kale maamulka sare ee jaamacadda Camuud, munaasibadii xuska maalinta deegaanka adduunka ee jaamacadda Camuud, lagu qabtay ayaa lagu beeray 100 geed gudaha jaamacadda, si ay ugaga qayb gasho xuska maalinta deegaanka adduunka ee 5 bisha May.

Wasiirku waxay sheegtay in ay jaamacadda Camuud muddo badan ka wada shaqaynayeen arrimaha deegaanka, isla markaana ay jaamacadda Camuud door weyn ka qaadato hawlaha dhir beerista iyo ilaalinta deegaanka.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Jaamacadda Camuud, imika muddo ayaanu wada shaqaynay, muddo badan ayaanu hawlo badan ka wada shaqaynay sidii deegaanka loo daryeeli lahaa. Sida ay dhirta u ilaaliyeen amaan ayay mudan yihiin. Sida aad dhirta u beerteen ee la yaabka leh, iyo dhirtii sida aad u ilaaliseen, ee ay u wada baxday, iyo inaad weli wadaan dhirayntii, taasi waxay ku tusaysaa in ay idinka go’an tahay in aad qaadataan waxa idinkaga soo beegmay wax ka qabashadda dhibaatadda isbedelka cimiladda. Waxaan leeyahay ha lagu daydo jaamacadda Camuud”.

“Maanta (shalay) waa maalintii dib u soo noolaynta deegaanka. Wax allaale iyo wixii cilmi baadhis ah ee ay jaamacadda Camuud, u baahato ee lagu horumarinayo deegaanka, anagu ka wasaarad ahaan waanu ku caawinaynaa. Jaamacadaha oo dhan ha isku tacalujiyaan, sidii culuumta deegaanka wax looga abran lahaa. Arrimaha deegaanka cidii waxbarashadiisa dhiganaysa in ay gaadhsiiyaan ilaa heerka dugsiyadda dhexe ama hoose, manhajka waxbarashadda dugsiyadda” ayay tidhi wasiirku.