Sarkaal ka tirsan Taliban oo Maraykanku madaxiisa saaray $10 milyan ayaa booqasho ku tagay Imaaraadka

0
88

Hogaamiye sare oo ka tirsan Talibanka Afgaanistaan, oo Maraykanku u raadinayo arrimo argagixisanimo, ayaa soo gabagabeeyey booqasho naadir ah oo uu ku joogay Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay hoggaanka sare ee dalkaa, sida uu Arbacadii sheegay sarkaal Afgaanistaan ​​ah.

Ninkan oo ah wasiirka arrimaha gudaha Sirajuddin Haqqani ayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee safar ugu baxa dalka dibadiisa tan iyo markii kooxda Taliban ay la wareegeen dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Koonfurta Aasiya ku dhawaad ​​saddex sano ka hor. Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda, oo ah barnaamij ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka kaas oo lagula dagaallamo argagixisada caalamiga ah, ayaa ku yahoobahay 10 milyan oo doolar ciddii keenta xog horseedi karta in la xidho Haqqani.

Madaxweynaha Imaaraatka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa ku qaabilay Haqqani magaalada Abu Dhabi ee caasimada imaaraadka Salaasadii. Wakaalada wararka ee WAM oo ku hadasha afka dowlada ayaa ka warantay kulanka waxaana soo bandhigtay sawir ay isku gacan qaadayaan.

“Labada dhinac waxay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka iskaashiga ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka si loogu adeego danaha wadaagga ah iyo ka qayb qaadashada xasilloonida gobolka,” WAM ayaa werisay. Waxay intaas ku dartay in wada-hadallada “ay diiradda saareen dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta, iyo sidoo kale taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Afgaanistaan.”

Ma jirto wax jawaab ah oo uu Maraykanku ka bixiyay booqashadii Haqqani iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

Zabihullah Mujahid, oo ah madaxa afhayeenka xukuumadda Taalibaan ee Kabul, ayaa isna xaqiijiyay kulanka. Warbixin uu soo saaray Arbacadii, ayuu ku sheegay in madaxa sirdoonka ee Taliban, Abdul Haq Wasiq, uu ku weheliyay Haqqani wadahadallada.

Mujaahidku waxa uu sheegay in weftigoodu ay ka wadahadleen xoojinta xidhiidhka ay la leeyihiin madaxda Imaaraatka Carabta, waxaanay ka codsadeen in Imaaraadka Carabta in Afganistan ka caawiyaan horumarinta daryeelka caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha ee dawladda Afgaanistaan ​​iyo hay’adda ammaanka ee xukuumadda Kaabul.

Wuxuu sheegay in labada dhinacba ay ku heshiiyeen in ay gacan ka geystaan ​​ilaalinta “amniga iyo xasilloonida hadda ka jirta Afgaanistaan, iyada oo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka.” Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa ballan qaaday in ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska dalka Afgaanistaan, islamarkaana ay ku dhiirigelineyso shirkadaha Imaaraatka in ay maalgashi ku sameystaan ​​dalka, ayuu hadalkiisa ku daray Mujaahid.

Abdul Haq Wasiq ayaa waxa uu ka mid yahay Talibantii lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee Maraykanka ka hor inta aan la sii dayn isaga iyo afar kale oo ka tirsan fallaagada Taliban sanadkii 2014-kii waxa lagu bedelay askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Bowe Bergdahl.

Haqqani ayaa ku jira Liiska FBI-da Maraykanka ay sida weyn loo baadi-goobayo iyada oo Haqqani lagu tilmaamay inuu yahay argagixiso caalami ah oo si gaar ah xidhiidh ula leh Al-Qaacida.

Inta uu joogo Kabul, Haqqani waxa uu si joogto ah ula kulmo dublamaasiyiinta ajnabiga ah oo uu kala hadlo meel fagaare ah. Diblumaasiyiinta gobolka ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha uu si qarsoodi ah ula kulmo dadka soo booqda, isla markaana uu isbedel ku sameeyo goobaha, isaga oo ka baqaya weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.