Soomaaliya Waxay Ka Soo Hor-jeedaa Wax Kasta oo Somaliland Dan u ah” Amb Keysar

0
70

Bulguim (Dawan) Keysar Cabdilaahi Wakiilka JSL u fadhiya xarunta ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aanay kaliya ka soo horjeedin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya balse ay si badheedh ah uga soo horjeedo wax kasta oo Somailand horumar iyo dan u ah.

Keysar Cabdilaahi wakiilka Somaliland ee midawga Yurub ayaa sida ka sheegay mar uu waraysi gaar ah siinayay maqal muuq baahiyaha Qaranka Somaliland, kaasi oo la waydiiyay siyaasadaha Soomaaliya ee ku salaysan dacwadaha lidiga ku ah Somaliland ee ay meel kasta la hortaagan yihiin ee aanay wali guul ka gaadhin.

Waxaanu sheegay in ay tahay cadaawad ay Soomaliya u hayso bulshada iyo dawladda Somaliland,isaga oo soo qaatay sidii ay dagaalka u muujiyeen wakhtigii Somaliland ay heshiiska la galaysay shirkada DP World, taasi oo uu xusay in anay u kala hadhin shacab iyo dawladda bao o ilaa Baarlamaankoodii uu ka shaqaynayay sidii ay isu hortaagi lahaayeen balse aanay waxba ugu suurogalin oo ay hirgaleen dhamaan heshiisyadii aynu rabnay ooh adda ay Berberi shaqaynso horumarna ku talaabsatay.

Amb Keysal Cabdilaahi ayaa sheegay in sidii heshiikii DP World oo kale ay heshiiskana ay dagaal ku qaadeen balse aanay waxba u suuro galanayn, waxaanu sheegay in dagaalkani uu yahay mid dhaqaale oo Soomaaliya ay ka cabsi qabto in Somaliland guulaha iyo dhaqaalaha u soo hoyanaya ay rabaan inay dhantaalaan balse aanay awood u lahayan waxaanu yidhi

“Soomaaliya ma aha uun inay ka soo horjeedaan arrinta heshiika MOU, maamulkaasi Muqdisho wax kasta oo Somaliland horumar iyo dan u ah waa uu ka soo horjeedaa, waa taada ogayd heshiiskii ay Somaliland la gashay DP World sida ay uga hor tageen, sida ay Baarlamaanadoodu u diideen, sida ay xukuumadda iyo shacaba ay dagaalka u qaadeen haddana waxoodii aanay waxba ka hirgalin ee heshiinkeenii hirgalay wadooyinkeenii aynu dhisanay Dekedii la dhisay, DP World ay shaqaynayso wax caqabad ahina aanay la kulmin.

Sidaasi si la mid ah ayay Soomaaliya heshiiskana uga hortagtay meel walbana ay mareen, kaadhka ay isticmaalayaan waxa weeye iyaga oo dunidii ka dhaadhicinaya, waxa ay arrintani horseedaysaa in kooxaha argagixisadu ay sii kordhaan, in aanu tahli kari wayno la dagaalanka argagixisada arrimo noocaasi ah, waa arrin cabsi galin amni ah oo ay leeyihiin haddii arrintaasi hirgasho dhibaato ayaa nagu furmaysa oo argagixisada ayaa nagu xoogaysanaysa arrintaasina waa la og-yahay.

Dagaalka ay Soomaaliya wadaa maaha dagaal amni balse waa mid dhaqaale”.