Wakiilka JSL u Fadhiya Maraykanka oo ka Hadlay Aqoonsi Somalialnd

0
78

Washington (Dawan)- Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Maraykanka iyo Canada, Bashiir Sheekh Cumar Good ayaa sheegay in Somaliland aanay ka caajisayn sidii ay u heli lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed, waxaanu caddeeyay in aanay hawl yarayn inaad metasho dal aan la aqoonsayn.

Bashiir Good wuxuu sidaasi ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyay Washington Diplomat oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Danjiruhu wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo aan dib u noqosho ku jirin.

Waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay ku samrayso wadahadallada ay la yeellanayso dal-waynaha Maraykanku, waxaa kale oo uu iftiimiyey in ummada Somaliland ay aqoonsi la’aan u soo dul qaadatay 33 sannadood isla markaana ay diyaar u tahay haddii wakhtigu dheeraado.

Danjire Bashiir wuxuu ugu baaqay caalamka inay ku bogaadiyaan Somaliland doorka ay ka ciyaarayso mandaqada Geeska Afrika.

Wakiilku wuxuu sheegay in danta Maraykanku ay ku jirto inuu taageero Somaliland oo ah dal xasiloon oo nabadgelyo ah, isla markaana dimuqraadi ah oo ku yaalla Geeska Afrika, waxaanu carabaabay inay Somaliland jeceshahay in Maraykanku ku soo laabto dekedda Berbera.

Bashiir Good wuxuu sheegay in Somaliland la aqoonsaday 64 sanno ka hor, xilligaas oo ay madax-bannaanideeda ka qaadatay Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, hase ahaatee ay maalmo ka dib la midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray ee wakhtigan la yidhaahdo Soomaaliya. Waxaanu midowgaasi ku tilmaamay mid ‘masiibo ahaa’ isagoo intaas ku daray in ay Somaliland madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay 18kii May 1991kii.