Khudbadda Dastuuriga ah ee Madaxwaynaha JSL oo Berri si Wayn loo Sugayo

0
129

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadad Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta Axada ee todobaadkan khudbad sannadeedkiisa Datuuriga ahaa u jeedin doona labada gole qaran ee guurtida iyo Wakiilada.

Warka ka soo baxay xarunta golaha guurtida Somaliland, ayaa lagu wargeilyay mudaneyaasha in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu khudbad sannadeedkiisi ka hor jeedin doono golayaasha qaranka.

Qoraalkan oo sii socda waxaa mudanayaasha lagu adkeeyeen in maalinta Axada ay sagaalka subaxnimo ay ka soo xadiran xarunta golaha baarlamaanka.

Qoraalkan ka soo baxay aqalka golaha guurtida Somaliland ayaa u dhignaa sidan:- “Waxaa dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu wargelinayaa in qudbad sannadeedkii madaxweynaha la qabandoono maalinta Axada ee ay Taariikhdu tahay 09/06/2024 sidaa darteed waa in mudanayaasha Golaha Guurtiddu wakhtiga dhawraan.

Sidoo kale waxaa mudanayaasha lagu war galinayaa inuu Goluhu fasax yahay maalinta sabtida”.