Warbixin: Ballaayiin Doollar oo Dahab ah ayaa si Sharci Darro ah Uga Baxa Afrika Sannad Kasta

0
93

Dahab gaadhaya balaayiin dollar ah oo lacag ah ayaa sanad walba si qarsoodi ah looga dhoofiyaa qaarada Afrika, waxaana inta badan loo dhoofiyaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo lagu sifeeyo lagana iibiyo macaamiisha caalamka, sida lagu sheegay warbixin la daabacay Khamiistii.

In ka badan $30 bilyan oo dahab ah, ama in ka badan 435 metrik ton, ayaa laga tahriibiyay qaaradda sanadkii 2022, sida lagu sheegay warbixinta ay daabacday Swissaid oo ah koox taakulaynta iyo horumarinta qaabilsan oo fadhigeedu yahay Switzerland. Meelaha ugu badan ee dahabka Afrika laga tahriibiyey uu gaadhay waxa ka mid ahaa Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Switzerland.

Qorayaasha warbixintan ayaa sheegay in hadafkoodu yahay in ganacsiga dahabka Afrika tooshka ku ifiyaan oo ay ka dhigaan mid hufan isla markaana ay cadaadis ku saaraan kuwa iibsanaya ee doorka weyn ku leh sahayda dahabka ee la tahriibiyo iyo silsiladaha mas’uulka ah.

“Waxaan rajeyneynaa in tani ay wanaajiso xaaladda nololeed ee dadka maxalliga ah iyo xaaladaha shaqada ee macdan qodayaasha Afrika oo dhan,” Yvan Schulz, oo ka mid ah qorayaasha warbixinta ayaa sidaa u sheegay Associated Press.

Warbixintu waxay sheegay in boqolkiiba 32% ilaa 41% oo dahabka laga soo saaro Afrika ah aan la shaacinin ee qarsoodi lagu qaato. Sannadkii 2022, Ghana ayaa ahayd dalka ugu badan ee soo saara dahabka Afrika, waxaana ku xiga Mali iyo Koonfur Afrika, ayay tidhi.

Imaaraadku wuxuu ahaa ilaa hadda meesha ugu badan ee laga soo geliyo dahabka koontarabaanka ah ama xaaraanta ah, warbixintu waxay sheegtay ilaa 405 metric ton oo wax soo saarka dahabka Afrika ah oo aan la shaacin uu gaadhay Imaaraadka. Mudo 10 sano ah oo u dhaxaysay sanadihii 2012 ilaa 22, dahabka kootarabaanka ah ee la dhoofiyey ayaa lagu soo koobay 2,569 metric ton oo dahab ah, oo qiimihiisuna dhan yahay $115 bilyan. Warbixintu waxa ay sheegtay in badeecadaha Imaaraadku ka soo dhoofsado dalalka Afrika uu sii kordhay sannadihii la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in xadiga dahabka ah ee Afrika laga soo dhoofiyo uu u muuqdo mid kordhay tobankii sano ee la soo dhaafay. Tusaale ahaan, sanadkii 2020 waxa uu ahaa 234 metric ton sanadkii 2022 waxa uu noqday ilaa 405 metric ton.

Switzerland, oo kale oo iibsata dahabka Afrika, ayaa 21 metric ton oo dahab ah ka soo dhoofsatay Afrika 2022, sida ay sheegtay warbixintu. Tirada dhabta ah ayaa aad uga badan karta haddii la tixgeliyo dahabka Afrikaanka ah ee loo sii gudbiyo dalal saddexaad, ayay tidhi warbixintu, waxa kale oo ka sii daran in la raaco halka uu dahabku ku dhammaado marka la sifeeyo.

Xogta Tirakoobka Ganacsiga Badeecooyinka ee Qaramada Midoobay, oo ka kooban Tirakoobyada soo dejinta iyo dhoofinta oo faahfaahsan, ayaa muujinaysa in Switzerland ay tahay dalka ugu badan ee dahabka ka iibsada Imaaraadka. “Ilaha laga helo Dahabka Imaaraatka Carabta waa khatar in la ogaado,” ayaa lagu yidhi warbixinta, iyada oo loo jeedo in ay dhib tahay in la ogaado halka uu ka soo heedo asalka dahabka la sifeeyey.

Sarkaal ka tirsan xafiiska warbaahinta dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dalku uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo walaaca ku saabsan tahriibinta dahabka iyo khatarta uu leeyahay. Korodhka joogtada ah ee suuqa dahabka ee Imaaraatka Carabta ayaa ka tarjumaysa kalsoonida beesha caalamku ku qabto hawlaheeda, ayuu yidhi sarkaalku, isaga oo ku hadlaya magaca xafiiska warbaahinta ee dalka isaga oo aan bixin aqoonsi dheeraad ah.

“Imaaraadka Carabta waxa ay ku adkeysanayaan dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka tahriibinta dahabka iyo in la xaqiijiyo heerka ugu sarreeya ee hufnaanta iyo isla xisaabtanka gudaha qeybta dahabka iyo macdanta qaaliga ah,” ayuu yidhi sarkaalku.

Dowladda Switzerland ayaa sheegtay in ay ka warqabto caqabadaha jira ee lagu ogaanayo halka uu asal ahaan ka soo jeedo dahabka, waxaana ay sheegtay in ay soo bandhigtay tallaabooyin looga hortagayo qulqulka sharci darrada ah.

“Switzerland waxaa ka go’an in ay horumariso raadinta socodka badeecadaha, hufnaanta tirakoobka iyo tayada kontaroolada,” Fabian Maienfisch, afhayeenka Xoghaynta Gobolka ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Switzerland, ayaa yidhi.

Warbixintu waxay barbardhigtay xogta dhoofinta dalalka Afrikaanka ah ee xogta laga keeno dalalka aan Afrikaanka ahayn, iyada oo ay weheliso xisaabaadyo kale, si xogta looga saaro. Talooyinkeeda waxa ka mid ahaa, inay dawladaha Afrika ugu baaqday inay qaadaan tillaabooyin lagu sharciyeynayo macdan qodista iyo kuwa yaryar iyo xoojinta kontoroolka xuduudaha. Waxa kale oo ay ugu baaqday dawladaha aan Afrikaanka ahayn in ay daabacaan aqoonsiga dalalka ay ka soo jeedaan iyo dalalka loo diro dahabka la keeno, isla markaana ay kala shaqeeyaan maamulada sidii loo ogaan lahaa qulqulka dahabka ee xaaraanta ah.