Hal-ku-diga Sanadkan ee Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka “Dib-u-soo Celinta Dhulka Xaalufay iyo la Qabsiga Abaarraha”

0
69

Wadamo  badan oo caalamka ah waxaa 5-ta bisha June, laga xusaa maalinta caalamiga ah ee deegaanka adduunka, taasoo lagaga hadlo arrimo badan oo la xidhiidha dhibaatooyinka haysta deegaanka, iyo sidii wax looga qaban lahaa wax ka qabashadoodda.

Xuska sanadkan iyo kuwii sanadihii u danbeeyay waxaa si weyn u hadheeyay dhibaatadda xooga leh ee guud ahaanba adduunka soo food saartay ama soo waajahday ee ka dhalatay isbedelka cimiladda adduunka, kaasoo ahaa noqday qodobadda ugu waaweyn ee caalamkoo dhan waayadan danbe aad loo falan qeeyo.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaana ka mid ah wadamadda sida weyn isaga xil saaray wax ka qabashadda dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda, iyadoo na ay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda deegaanku shaqooyin badan ka qabatay arrimahaasi.

Iyadoo taa laga duulayo ayaa wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay qaaday tallaabooyin muuqda oo wax lagaga qabanayo waxyeeladda ay isbedelka cimiladu ku yeeshay deegaankeena, kuwaasoo ay ka mid tahay ilaalinta iyo wax ka qabashadda seereyaasha, duur joogta, iyo arrimo kale.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa xuska maalinta caalamiga ah ee 5-ta bisha June, oo sanadkan si weyn looga xusay dalka Somaliland, iyadoona munaasibadihii xuska maalintaasi ay soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Xuska sanadkan ee maalinta deegaanka adduunka ayaa labadda xafladood ee ugu waaweynaa waxaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama, iyo xafladda labaad oo lagu qabtay buurta Libaaxley, ee gobolka Awdal.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibadii lagu xusayay maalinta deegaanka adduunka ee lagu qabtay jaamacadda Camuud, ayaa ugu baaqday wasiirka waxbarashadda Somaliland in manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose iyo dhexe lagu darro culuumta deegaanka.

Si ay bulshadeenu u fahmaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, iyo sidoo kale sidii ay ardaydu waxbarashada dugsiyadda hoose uga soo baran lahaayeen qiimaha ay dhirta iyo deegaanku u leeyihiin bulshadda.

Maadaama oo isbedelka cimiladu uu yahay wax socda, oo aan tegaynin, isla markaana u baahan  in aan la qabsanano, adkaysina ugu yeelano dhibaatayinka iyo saamaynta xun ee ka dhalatay isbedelka cimialdda.

Waxaanay tidhi “Wasiirka waxbarashadda Somaliland waxaan ku boorinayaa in dugsiyadda waxbarashadda manhajkoodda hoos laga soo bilaabo, in loogu dhigo arrimaha deegaanka, maadaama oo isbedelka cimiladu uu yahay wax socda, oo aan tegaynin in aan la qabsano-na ay tahay, aanan u adkaysano”.

Xuska sanadkan ee maalinta deegaanka adduunka ayaa hal-ku-dheg looga dhigay dib u soo celinta dhulka xaalufay, iyo la qabsiga abaarraha, waxaana munaasibadii xuska maalinta deegaanka adduunka ee jaamacadda Camuud, lagu qabtay ayaa lagu beeray 100 geed gudaha jaamacadda, si ay ugaga qayb gasho xuska maalinta deegaanka adduunka ee 5 bisha May.

Sidoo kale waxay jaamacadu dugsiyadda waxbarashadda ee magaaladda Boorama ka hirgelisay olole dhir beeriseed oo ay ugu tallo gashay in bulshadda lagu dhiiri geliyo,

Waxaana ka qayb galay wasiirka Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo sidoo kale maamulka sare ee jaamacadda Camuud, munaasibadii xuska maalinta deegaanka adduunka ee jaamacadda Camuud, lagu qabtay ayaa lagu beeray 100 geed gudaha jaamacadda, si ay ugaga qayb gasho xuska maalinta deegaanka adduunka ee 5 bisha May.

Wasiirku waxay sheegtay in ay jaamacadda Camuud muddo badan ka wada shaqaynayeen arrimaha deegaanka, isla markaana ay jaamacadda Camuud door weyn ka qaadato hawlaha dhir beerista iyo ilaalinta deegaanka.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Jaamacadda Camuud, imika muddo ayaanu wada shaqaynay, muddo badan ayaanu hawlo badan ka wada shaqaynay sidii deegaanka loo daryeeli lahaa. Sida ay dhirta u ilaaliyeen amaan ayay mudan yihiin. Sida aad dhirta u beerteen ee la yaabka leh, iyo dhirtii sida aad u ilaaliseen, ee ay u wada baxday, iyo inaad weli wadaan dhirayntii, taasi waxay ku tusaysaa in ay idinka go’an tahay in aad qaadataan waxa idinkaga soo beegmay wax ka qabashadda dhibaatadda isbedelka cimiladda. Waxaan leeyahay ha lagu daydo jaamacadda Camuud”.

Geesta kale wasiirka Deegaanka Somaliland ayaa uga mahad celisay maamulka sare  ee jaamacadda Camuud sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyaan arrimaha wax ka qabsahdda deegaanka, sida cilmi baadhisaha ay ka sameeyaan dhibaatooyinka haysta deegaanka, iyo waxyeeladda ka soo gaadhay isbedelka cimiladda.

“Maanta waa maalintii dib u soo noolaynta deegaanka. Wax allaale iyo wixii cilmi baadhis ah ee ay jaamacadda Camuud, u baahato ee lagu horumarinayo deegaanka, anagu ka wasaarad ahaan waanu ku caawinaynaa. Jaamacadaha oo dhan ha isku tacalujiyaan, sidii culuumta deegaanka wax looga abran lahaa. Arrimaha deegaanka cidii waxbarashadiisa dhiganaysa in ay gaadhsiiyaan ilaa heerka dugsiyadda dhexe ama hoose, manhajka waxbarashadda dugsiyadda” ayay tidhi wasiirka deegaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale waxaa iyagna xafladaasi ka hadlay guddoomiyaha jaamacadda Camuud, iyo madaxa kuliyadda arrimaha deegaanka iyo beeraha ee jaamacadaasi, waxaanay sheegeen in ay ka jaamacad ahaan wasiirka deegaanka Somaliland ku amaanayaan sida wanaagsan ee ay uag shaqayso arrimaha deegaanka.