Waa Maxay Sababta Modi uu ugu Guul Darreystay Inuu Ku Guuleysto Aqlabiyadda

0
83

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleystay jagada Ra’iisal wasaaraha ka dib doorasho guud oo aad u adag, isaga oo ka hooseeya sidii la filayay.

Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa u muuqda mid hoos uga dhacay  aqlabiyadii loo saadaalinayey  waxaana uu ku hogaaminayaa 272 kursi oo uu ka helay kuraasta guud ee baarlamaanka oo dhan 543 kursi. Hase ahaatee xisbiyada yar yar ee ay isbahaysiga yihiin ayaa helay kuraas dheeraad ah.

Natiijadu waxay dhabar jab shakhsi ah ku tahay Mr Modi, kaas oo had iyo jeer xaqiijista aqlabiyadda doorashada Ra’iisal wadaarahaHindiya iyo madaxa guud ee gobolka Gujarat, kuwaas oo siyaasadda dalka gacanta ku hayay muddo toban sano ah.

Natiijadan doorashadu waxay dib u soo noolayn la yaab leh u noqonaysaa isbahaysiga mucaaradka INDIA ee xisbiga Congress-ka uu hoggaamiyo, isaga oo meesha ka saaray saadaashii hore ee loo saadaalinayey inuu hoos u dhici doono.

Dooraashada Hindiya oo lagu magacaabo tartan ama codayn Marathon ah waxa u soo baxay In ka badan 640 milyan oo qof waxaana ay socotay toddoba usbuuc, waxaana lagu sheegay “rikoodhka adduunka” sida ay sheegeen maamulka doorashada. Ku dhawaad ​​kala badh codbixiyayaashu waxay ahaayeen haween.

Xisbigiisa BJP ayaa weli ah xisbiga kaliya ee ugu weyn India marka loo eego kuraasta, haddii Mr Modi uu mar saddexaad heshiis la gaadho xulafadiisa inuu ra’iisul wasaare noqdo wuxuu la mid yahay rikoodhkii Jawaharlal Nehru, Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeyay ee Hindiya.

Laakiin hoos u dhaca xisbigiisa  uu hoos uga dhacay in ka badan 50 kursi iyo waxa uu filayey ayaa aamus ku riday isaga iyo xisbigiisa. Ololaha Mr Modi waxa hal ku dhig u ahaa oo uu bartilmaameedsaday 400 oo kursi oo ah isaga iyo isbahaysigiisa, waxa uu odhan jiray wax intaa ka yari waa guul la’aan.Tani waxay y farxad u keentay is bahaysiga mucaaradka Congress-ka INDIA ee uu hogaaminyo Raul Gandhi  kaas oo rajo-beel ahaa, waxaana niyad jab ku riday buunbuunintii BJP iyo sahankii ama saadaashii warbaahinta.

Taageerayaasha Mr Modi waxay aaminsanaayeen in xilli saddexaad oo xaqiiqo noqon doonto iyaga oo u nisbeynayey dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin sumcadda Hindiya ee caalamka oo uu kor u qaaday iyo ballan qaadkiisa ahaa inuu sii wadi doono.

Waxa kale oo Hinduugu ku taageersanayeen, ballamihii muhiimka ahaa ee uu soo bandhigay sida : kala noqoshadii madaxbannaanida Kashmir-ta ay Hindiya maamusho, dhismihii macbadka diinta Hinduuga Ram ee Ayodhya iyo hirgelinta sharcigii jinsiyadda ee muranka dhaliyay. ismaamulo badan oo ay BJP xukumaan ayaa dhaqan galiyay sharciyo lagu adkaynayo guurka diimaha kala duwan.

Hoos u dhaca weyn ee kuraasta BJP waxaa laga yaabaa inay la xidhiidhto shaqo la’aan, qiimaha kor u kaca, sinnaan la’aanta sii kordheysa iyo dib-u-habaynta qorista ciidamada ee muranka dhalisay , iyo waxyaabo kale. waxa kale oo ka mid ah ololaha qallafsan iyo kala qaybinta Hindiya dhexdeeda , gaar ahaan beegsiga Muslimiinta, ayaa sidoo kale kala fogayn kara codbixiyayaasha gobollada qaarkood.

Hal-ku-dheggiisii ​​hamiga ahaa ee “Ab ki baar, 400 paar,” oo uu ku doonayay in ka badan 400 oo kuraas ah isbahaysigiisa NDA, ayaa dad badani ka baqayeen in aqlabiyadda tirada badan ay keento isbeddel dastuuri ah oo ka dhan ah dadka saboolka ah.

Xisbiga Mr Modi ayaa dib u dhacii ugu weynaa kala kulmay gobolka Uttar Pradesh (UP), oo ah gobol ka weyn UK, dadkiisuna  saddex jeer ka badan yihiin. Isaga oo leh 80 kursi oo baarlamaanka ah, UP waxay awood weyn ku leedahay siyaasadda qaranka – qaar badan ayaa u arka albaabka Delhi, oo looga jeedo albaabka xukunka. Mr Modi iyo Rahul Gandhi labaduba waxay fadhiyaan halkaas.

Hindiya waxay leedahay taariikh dawlado isbahaysi oo fowdo ah, haddii BJP ay dhisto dowladda, waxay ku xidhnaan doontaa xulafada waxayna u baahan doontaa inay qaadato hab la tashi iyo wada tashi badan.

Ku-tiirsanaantani waxay ka dhigaysaa mid u nugul burburka haddii xulafadu dareemaan in la dayacay. Xisbiga, markii loo arkayay inuu yahay mid awood badan, ayaa hadda ku tiirsan asxaabta, si ka duwan sanadihii 2014 iyo 2019. Natiijadan waxa loo arkaa mid India ku soo celisay waxa ay dad badani u haystaan ​​”siyaasad caadi ah”, iyada oo ay jiraan xisbiyo kala duwan oo wadaaga oo u tartamaya awoodda.

Natiijadu waxay tamar gelin doontaa mucaaradka aadka loo dhaliilay ee Congress-ku hoggaamiyo.

Bishii Febraayo, isbahaysiga kala duwan ee loo yaqaan INDIA, oo loo soo gaabiyo Isbahaysiga Horumarinta Qaranka ee Hindiya, ayaa la kulmay qalalaase markii mid ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda muhiimka ah, Nitish Kumar, uu ka baxay – oo uu ku biiray BJP. Laakiin waxaa hogaaminayay Rahul Gandhi, mucaaradku waxa ay sameeyeen ol’ole xamaasad leh oo ay soo yareeyeen farqiga u dhexeeyay, iyaga oo ku wajahaya warbaahinta xisbinimo.