Somaliland Gacmaha Laabanmayso Haddii la Diido Deris-wanaagga iyo Nabad-ku-Wada-noolaanshaha Dalalka Geeska”

0
96

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland ay tahay mid dagan oo aan is-beddelin, kuna dhisan dhisan mabdi’iyan qorshe qeexan oo ah deris-wanaag, iskaashi iyo wax-wada-qabsi, balse aanay Somaliland gacmaha laabanaynin haddii la diido deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dalalka gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay qaran jiraya oo haysta shacab hal-adag oo qaatay qaraar adag oo ay ku hirgelinayaan madax-bannaanidooda muddo kasta oo ay qaadanayso. Sidoo kalena waxa uu sheegay in shacabka Somaliland yahay dad guda abaalka loo galo. Sidoo kale, abaalkiisa ka waraabiya cid kasta oo kula kacda daandaansi iyo colaad.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd ee uu shalay ka hor-jeediyay golaha Baarlamaanka, mar uu ka hadlayay nidaamka ay ku dhisantahay siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, waxaanu yidhi “Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland waa Siyaasad dagan oo aan is-beddelin, oo ku dhisan mabdi’iyan Qorshe qeexan oo ah deris-wanaag, nabad-gelyo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dalalka deriska, taas oo macnaheedu yahay Siyaasad Xasarad La’aan (Zero Conflict Policy).

Taas macnaheedu maaha in Jamhuuriyadda Somaliland ay gacmaha laabanayso haddii la diido deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha Dalalka Gobolka Geeska Afrika.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran jiraya oo haysta Shacab hal-adag oo qaatay qaraar adag oo ay ku hirgelinayaan madax-bannaanidooda muddo kasta oo ay qaadanayso. Shacabka Somaliland waa dad guda abaalka loo galo. Sidoo kale, abaalkiisa ka waraabiya cid kasta oo kula kacda daandaansi iyo colaad.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay dedaal badan gelisay aqoonsi-raadinta madax-bannaanida Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumaddan aan gadh-wadeenka u ahay waxay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay aqoonsi-raadiska Somaliland. Waxaad wada xasuusan tihiin in aynu in badan safarro ku gaalaa bixinay Afrika si aynu u helno saaxiibo badan oo Afrika ah.

Waxa Tusaale ah markii aan tagay Guinea Conakry. Madaxweynihii markaa joogay waxa uu diyaar u ahaa Aqoonsiga Somaliland, waxaanay ka muuqatay soo-dhaweyntii heerka Madaxweyne ahayd ee uu u fidiyey weftigii aan hoggaaminayey, isla maalintaas ayey Soomaaliya xidhiidhka u jartay Guinea Conakry, waxaanna uu Madaxweynihii Soomaaliya ee wakhtigaasi uu qaylo ka dhex tolay Shirkii Midawgii Africa, isaga oo ku eedaynaya Madaxweynihii Guinea Conakry in uu jibiyey Xeerkii Midawga Afrika.

Haddana waxa ku xigtay Kiiniya, iyadana sidaa si la mid ah ayey Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay markii aan safarka ku tagay, isla markaana ay qaylo iyo bulaan kula dhex-dhacday shirkii Afrika.

Xukuumadda aan hoggaanka u hayaa waxay safarro badan ugu baxday dalal badan, waxaana ka mid ah:

Dalka Ethiopia.

Dalka UAE.

Dalka USA.

Dalka Kenya

Dalka Guinea Conakry.

Iyo Dalka Djibouti.”